Burconews.net
Qaraxyo ka dhacay Muqdisho
September 22, 2018 - Written by burconews 1

Laba qarax ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, mid kamid ah labadaas qarax ayaa ka dhacay isgoyska Dabka halka kan kale uu ka dhacay dhabarka dambe ee Hotel Maka Al-Mukarramah. Qaraxyadaas ayaa ahaa kuwo lagu xidhay laba baabuur oo la sheegay in mid kamid ah uu lahaa Prof Yaxye Shiikh Caamir oo kamid ah dadka magaca ku dhex leh bulshada rayidka ah.

Labada qarax ayaa dhacay waqti aad isugu dhow. Wararku waxay sheegayaan in labada gaari mid kamid ah uu hal qof ku dhintay mid kalena uu ku dhaawacmay, qofkaas dhintay ayaa warar aan la xaqiijin waxay sheegayaan in uu ahaa nin ay walaalo ahaayeen Yaxye Shiikh Caamir. Halka gaariga kale aanay cidna wax ku noqon.

Ilaa iyo hadda majirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxyadan.

Mowduucyada la xiriira

COMMENTS
Latest News