Burconews.net
Siyaasi Ramaax & Xil. Siciid Warsame Gaane Oo Ka Digay Haamo Shidaal Oo Shirkado Ka Dhisanayaan Berbera
September 26, 2018 - Written by burconews 2

Burconews.net_Siyaasi Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax , ayaa sheegay in aanu muhiim u arag haamaha Kaydka Shidaalka Berbera ee gacanta dawladda lagu soo celiyay maaddaama shirkadaha Dahabshiil , Telesom iyo Oomaar ay Haamo lagu kaydiyo shidaalka si gaar gaar ah uga dhisanayaan magaalada Berbera. Waxa uu sheegay in ay suuq furmay noqon doonto oo cid waliba dhisan doonto haamo shidaal haddii ay dhawrkan shirkadood dhistaan kaydadkaasi.

Mudane Ramaax oo ugu horayn arrintaas ka hadlaya waxa uu sheegay in haddii ay shirkadahaasi samaystaan Haamaha aanu jirin wax ka xakamaynaya Ganacsatada kale iyo muwaadin kasta “Haamo cusub ayaa laga dhisanayaa magaaladii Berbera, Dahabshiil ayaa dhisanaya, Oomaar ayaa iminka bilaabaya Telesom ayaa bilaabaysa, laakiin siday u wada shaqaynayaan mid Dowladii leedahay iyo kuwan oo gaar loo leeyahay saw anniga iima banana in aan haan gaar ah samaysto ama Ganacsadaha kale,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Ramaax oo u warramayay telefishanka Universal.

Geesta kale Xildhidhibaan Siciid Warsame Gaane oo ka tirsan Golaha wakiillada Somaliland ayaa sheegay in aanay suurtagal ahayn in cid gaar ahi Haamo shidaal samaysato, balse qaranka oo keliya loo ogol yahay sharciyan, waxaanu ugu Baaqay Madaxweyne Biixi inuu ka horjoogsado shirkadaha qorshahaa wada .

 “Suuragal maaha in Haamo si gaar ah loo samaystay cidi yeelato, Haamaha Xukuumadda ayuun-baa yeelan karta,Haamaha Kaydka Dadka gaari dhistayna waa mushkilada iyana meesha ku jirta dhulkaa wax gaar loo leeyahayna lagama dhisan karo wax gaar loo leeyahay,Madaxweyne Go’aankaasi waa go’aan u yaala Madaxtooyadda iyo golayaashaba .”

 

Xigasho wargeyska waaberi

COMMENTS
Latest News