Burconews.net
Boqor Salmaan Oo Madaxweyne Erdogan kala Hadlay Kiiska Wariye Jamal Khashoggi,.?
October 15, 2018 - Written by togdheer 1

Boqorka dalka Sacuudiga  Boqor Salmaan Bin Abdulaziz ayaa khadka telfoonka kula xiriiray Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, waxa uuna kala hadlay xiisada ka dhalatay Wariyaha la la’yahay nolol iyo geeri ee Jamal Khashoggi.

Wadahadalka khadka Telfoonka ku dhax maray Boqor Salmaan iyo Madaxweyne Ertdogan ayaa looga hadlay kiiska Wariyaha la tuhmayo in Sacuudiga dileen  iyo sidii looga gaashaaman lahaa in kiiskaasi xumeeyo xiriirka labada wadan.

Boqor Salmaan ayaa Erdogan u sheegay in waddankiisu u xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo Turkiga, aynan dhici karin in cid kale ay waxyeeleyso xiriirkaasi wanaagsan ee soo jireenka ahi.

Madaxweyne Erdogan ayaa Boqortooyada Sacuudiga ka codsaday in ay runta ka sheegto kiiska Wariyaha  lagu tuhmayo in ay dileen, waxa uuna Erdogan cadeeyay in baaritaanada socda runta lagu ogaan doono wax walbana soo bixi doonaan.

Sacuudiga ayaa dhaleeceyn xoogan kala kulmaya kiiska Wariye Jamal, waxaana wali socda baaritaano balaaran oo lagu ogaanayo halka uu ku dambeeyay nolol iyo geeri Jamal Khashoggi oo markii ugu dambeesay lagu arkay Qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbuul.

Dowlada Turkiga ayaa aaminsan in ciidamo sirdoon oo ka socday Sacuudiga gudaha Qunsiyada Sacuudiga ee magaalada Istanbuul ku dhax dileen kadibna hilbihiisa jarjareen Wariye Jamal Khashoggi

COMMENTS
Latest News