Burconews.net
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Shaaciyey Sababta Ay Itoobiya Uga Soo Qeyb Gali Weyday Heshiiskii Saxeexa Balaadhinta Dekada Berbera
October 17, 2018 - Written by Burco jiir

CERIGABO  burconews.

Madaxweynaha Somaliland Md

Muuse Biixi Cabdi ayaa maqnaashihii dawlada Itoobiya ay ka maqneyd balaadhinta dekada Berbera loogu sameeyey madaxtooyada Somaliland , waxaana uu ku tilmaamay in dawlada Itoobiya ay mashquul ku ahayeen shirkii xisbiga EPRDF.

Wargeyska Addis Fortune ee ka soo baxa Magaalada Addis Ababa oo war bixin dheer ka qoray munaasibadaas ka dhacday madaxtooyada ayaa waxuu sheegay in munaasibadaas oo ay ka qayb galeen madaxweyne Biixi iyo madaxa shirkada Dp World Sultaan Axmed balse aanay ka qeyb galin dawlada Itoobiya oo leh Saamiga saddexaad eemaalgashiga dekada Berbera .

 

Waxuuna sheegay in munaasibadaas ay goob joog ahayeen madaxweyne Biixi iyo Agaasimaha Dp World , lakiin madaxda Itoobiya ayaan ka qeyb galin munaasibaas

Calanka Itoobiya ayaa uu wargeysku sheegay in uu ka dhex babanaayey madaxtooyada Somaliland oo uu garab yaalay calamada Somaliland iyo Imaaraadka carabta

Madaxweyne Biixi ayaa sida uu wargeysku qoray waxuu sheegay in madaxda Itoobiya mashquul ahaayeen ,

” Masuulyiinta Itoobiya , gudahooda ayaa ay ku mashquulsanayeen shirweynihii xisbiga talada haya awgii ” ayuu yidhi madaxweyne Biixi

Dad badan ayaa isweydiinayey sababta keentay in Itoobiya ka maqnaato munaasibasaas , Itoobiya ayaa maalgashiga dekada Berbera waxay ku leedahay 19 %

Source:- Geeska

COMMENTS
Latest News