Burconews.net
Madaxweynaha Turkigu Muxuu ka yidhi Xogta Dilkii Suxifi Khashoggi, Muxuuse Sucuudiga ka Dalbaday?
October 24, 2018 - Written by Admin

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan, ayaa sheegay in dilka Weriyihii caanka ahaa ee Jamal Khashoggi la sii diyaariyey maalmo ka hor intii aan lagu fulin gudaha Qunsiliyadda Sucuudigu ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga 2-dii bishan Aktoobber ee aynu ku jirno.

Rajab Dayib Erdogan

Rajab Dayib Erdogan Madaxweynaha Turkiga

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dilka Weriyahaas oo Boqortooyada Sucuudigu waxay dafirto oo ka warwareegtaba toddobaadkan qiratay, ayuu Erdogan sheegay inay dawladdiisu baadhitaan xoog leh ku wadday tan iyo markii la waayey Weriye Khashogji, isla markaana xaqiiqadu caddaatay oo ay xogo badan ururiyeen, sidii ay bilawgiiba u sheegeenna Sucuudigu maleegay dilkaas.

“Dilka Saxafi Jamal Khashoqji waxaa la sii diyaariyay maalmo ka hor, marka dilka la fuliyey…” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Turkiga oo la hadlaya Salaasadii Maanta Xildhibaannada Xisbigiisa talada dalka Turkiga haya.

TWITTER KA QAXDAANI OO AY KU XIDHAN YIHIIN MALAAYIIN QOF

TWITTER KA QAXDAANI OO AY KU XIDHAN YIHIIN MALAAYIIN QOF

JAMAL KHASHOGGI

JAMAL KHASHOGGI

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Rajab Dayib Erdogan, ayaa sheegay in Turkigu ay arruuriyeen caddaymo xoog badan oo sheegaya in saxafiga Sacuudiga dhaliili jiray loo dilay qaab la sii qorsheeyay. Waxa uu Erdogan intaas ku daray inay caddaatay in labadii bishan Oktoobbar lagu dilay Qqunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul, Dadka la sheegay in lo ohayo masuuliyadda iyo fulinta dilkaas in Maxkamad la horgeeyo, weliba in Maxkamadda Istanbul lagu maxkamadeeyo oo la hortaago.

Madaxweyne Erdogan waxa kale oo uu ka dalbaday in Boqortooyada Sacuudigu inay si cad u sheegto meesha uu ku dambeeyay Meydkii Weriye Jamal Khashoggi iyo cidda amartay hawlgalkaas lagu dilay-ba. Erdogan, ayaa xaqiijiyay in Sacuudigu uu xidhay 18 Qof oo kiiska khaarajinta Suxufiga lala xidhiidhiyey.

Erdogan wuxuu sheegay in 15 Ruux oo Sacuudi ah oo saddex koox isu kala qaybiyay ay Istanbul ka dageen iyaga oo duulimaadyo kala duwan adeegsanaya, kuwaas oo magaaladaas tagay maalmihii iyo saacadihii ka horreeyay dilka. Hase-yeeshee, faahfaahin intaa dheer iyo xogaha kala duwan ee Hay’adaha Dawladda Turkiga ee baadhayay Kiiska dilka Weriyaha ururiyeen iyo qaabka kale ee dilkaasi u dhacay toona.

COMMENTS
Latest News