Burconews.net
Ciidamada Ammaanka oo howlgallo baaritaano ka sameeyay duleedka Muqdisho
November 11, 2018 - Written by Admin

Burconews_Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa xalay howlgallo baaritaano ka sameeyay duleedka magaalada Muqdisho, halkaasoo maalmihii la soo dhaafay ay ku soo bateen dilalka.

Ciidamada ayaa baaritaan ka sameeyay deegaanada KM13 iyo Garasbaaley ee duleedka Muqdisho, waxaana la baarayay guri walba.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada ay baarayeen guri guri, iyagoo dadka su’aalo weydiinayay.

Wararka qaar ayaa sheegaya intii uu socday howlgalkaas lagu qabtay dad kala duwan, balse lama oga tiradooda.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Booliska oo ku aadan howlgalka xalay laga sameeyay deegaano dhaca duleedka Muqdisho.

Maalmihii la soo dhaafay deegaanada dhaca duleedka Muqdisho waxaa ku soo badanayay dilalka ay geystaan kooxo hubeysan, waxaana shalay ugu dambeysay gaari ay saarnaayeen askar iyo dad rayid ah lagu rasaaseeyay, kuwaasoo ka soo laabtay meyd aasid.

COMMENTS
Latest News