Burconews.net
Banaanbax Lagaga Soo Hor-jeedo Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Dhacay Magaalada Laascaanood Iyo Dhalinyaro Xabsiga Loo Taxaabay
November 24, 2018 - Written by Admin

Burconews.net:-Madaxweynaha Somaaliland Muuse Biixi Cabdi oo maalmahaan booqasho ku marayay gobollada bari Soomliland ayaa maanta tegay Magalada laascaanood ee xarunta gobolka sool.

In kastoo si weyn loo soo dhaweeyay ayaa haddana waxaa ka dhacay banaanbax looga soo hor-jeeday imaanashaha Madaxweyne Muuse Biixi ee Magalada laascaanood.

Ciidamada Booliska Soomaaliland ayaa rasaas ku riday dadka bananaanbaxa dhigayay, walow ayna wax khasaaro ah geysan haddana Ciidammadu waxa ay xabsiga dhigeen tiro dad oo ka mid ahaa banaanbaxayaasha.

Gobolada bariga Somaliland ayaa waxa ay saluug weyn ka qabaan saami qaybsiga xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, iyada oo waxgaradka goboladaasi ay marar kala duwan ka hadleen arrimahaasi.

COMMENTS
Latest News