Burconews.net
Search for: SEARCH … Daily Record Oo Kashifay Hadaladii Qalafsanaa Uu Jose Mourinho Ku Sifeeyay Paul Pogba Intii Lagu Jiray Qolka Labiska Kadib Kulankii Southampton.
December 2, 2018 - Written by yusuf xudayfi

Tababare Jose Mourinho ayaa weerar xun ku qaaday xiddigiisa Paul Pogba kadib kulankii ay barbaraha la galeen Southampton, waxaana lagu soo warramayaa inuu ku tilmaamay cudur ku dhexjira kooxdiisa, taasna waxey sii xumeyneysaa xiriirka labada shaqsi.

Waxaa la fahamsan yahay in Daily Record ay soo tabisay sheekada xiisaha badan ee ka dhacday qolka labiska Red Devils kulankii shalay, Jose Mourinho ayaana si aan gambasho laheyn xiddigiisa caro ugala duldhacay isagoo ku dhexjira saaxiibadiisa.

Red Devils ayaa si layaab leh u bilaabatay kulankii St Marry markii 20-daqiiqo laba gool looga dhaliyay balse Lukaku iyo Herrera ayaa barbareeyay oo qeybta hore kooxdooda laba gool u keenay, waana kulankii labaad oo aysan kooxda saddex dhibcood helin kulamada horyaalka.

Sida la maqlay Mourinho wuxuu ku yiri xiddigiisa: “Ma aadan ciyaarin, ma aadan xushmeyn ciyaartoyda iyo taageerayaasha, waxaadna dishay niyadda dadka daacadda ah ee hareerahaaga jooga”

Jose Mourinho sidoo kale wuxuu xiddigaan u sheegay inuu yahay “Virus” isla markaana aan xushmad u muujin qof walba oo kooxda ka tirsan, 26-jirkaan heerka caalami mustaqbalkiis shaki weyn ayaa ku jiray arrintaan ayaana sii xumeyneysa wax walba.[BURCONEWS]HARGAYSA]

COMMENTS
Latest News