Burconews.net
Wariyaha Shabakada Marca Luis F. Rojo Oo Si Adag Ugu Jawaabay Pele Kadib Weerarkiisii Messi & Xogo Loogu Cadeeyay Daciifnimada Uu ka Sheegay.
December 7, 2018 - Written by yusuf xudayfi

Wariyaha Shabakada Marca Luis F. Rojo Oo Si Adag Ugu Jawaabay Pele Kadib Weerarkiisii Messi & Xogo Loogu Cadeeyay Daciifnimada Uu ka Sheegay.

Halyeeygii hore Brazil Edson Arantes do Nascimento loona yaqaano PELE ayaa wareysi xiiso badan siiyay wargeyska Folha de Sao Paulo ee laga leeyahay dalka Brazil, wuxuuna ka jawaab celiyay arrimo laga weydiiyay Xavi iyo Iniesta kuwaas oo Messi u aaminsan kan ugu wanaagsan dunida.

Pele wuxuu si cad u diiday tilmaantaas wuxuuna soo jeediyay iney jiraan xiddigo badan oo soo maray kubadda cagta isla markaana tilmaantaas mudan sida: Beckenbauer, Cruyff ama Maradona, waxeyna noqotay dooda isbuucaan ugu xiisaha badan.

Marka la eego hadalkaas, waa fikir la xushmeyn karo, balse xiddiga reer Brazil wuxuu isbarbardhig ku sameeyay Diego Maradona iyo Lionel Messi.

“Waa wax iska tijaabo ah, balse sidee la iskula barbardhigi karaa ciyaariyahan ku fiican madaxa, si fiicanna ugu tuuri kubadda labada lugood iyo mid kaliya hal lug adeegsada”

“Messi waa mid kaliya garanaya hal jiiditaan, isla markaana aan madaxa ku fiicneyn”

Wariyaha shabakadda Marca Luis F. Rojo ayaa si adag ugu jawaabay isagoo keenay xogo muujinaya in fikirka Pele uu yahay mid aan ka warqabin xogaha xiddiga reer Argentina, wuxuuna faaladii uu ku qoray Marca ku leeyahay.

Hadii uu sheegay in Messi xirfadiisa ugu fiican tahay jiiditaan, Pele wax badan ma arkin isagoo ciyaaraya, hadii uu yiri ma yaqaano madaxa, ha soo fiirsado final-kii Champions League 2009 hana weydiiyo Van der Saar, hadii uu kaliya hal lug kubadda ku tuurana, ma uusan xisaabin inta gool uu Messi lugta midig ku dhaliyay.

Waa saddex arriimod oo aan sal laheyn – wariyaha ayaa sidaas yiri maadaama uu cadeymo aan sidaas u badneyn u keenay Lionel Messi.

Isagoo hadalka sii wata wariyaha wuxuu yiri: Waa wax naxdin leh hadii qof sida Pele oo kale ah uu sidaas jaahilnimada leh uga hadlaayo Lionel Messi, waxaana iska cad inuusan si joogto ah ula socon sida uu yahay kabtanka Barcelona.

COMMENTS
Latest News