Burconews.net
Haween Soomaaliyeed oo kumannaan kiilomitir u soo jaray sidii ay u caawin lahaayeen haweenka Soomaaliyeed
December 8, 2018 - Written by Burco News11

Gabdho Soomaali ah oo si iskood ah isku xilqaamay oo ka socda magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa gargaar caafimaad ka wada qeyba ka mid ah Soomaaliya.

Gabdhahan oo leh xirfado isugu jira caafimaad iyo arrimaha bulshada ayaa waxay qalliino indhaha ah iyo kuwa haweenka si gaar ah ula xiriira ka fuliyey magaalada Kismaayo iyagoo caawin ka helaya dhaqaatiir ka yimaaday dalka Itoobiya, kuwa ku hawl gala gudaha Soomaaliya iyo qaar kale oo ka yimaaday dalka Australia.

Ashwaaq Abuukar Xasan oo ka kamid ah gabdhaha mutadhawiciinta, oo aanu wareeysanay ayaa inoo sheegtay in ilaa iyo haatan ay fuliyeen 20 qalliin oo dumarka ah iyo 215-indha fiiqid ah 

COMMENTS
Latest News