Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ka Guuray Madaxtooyadda + Warbaahintana la hadlay | Burconews
Burconews.net
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ka Guuray Madaxtooyadda + Warbaahintana la hadlay
December 12, 2018 - Written by Admin

Burconews.net_Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Mukhtaar ayaa Markii ugu horeysay ka hadlay Mooshinkii laga soo gudbiyay Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farjaamo.

Waxa uu sheegay in mooshinkaasi uu yahay Mid sharci ah isla markaana wakhtiga ugu horeysa ee uu dib u furmi doono Goluhu uu hor dhigi doono.

war qoraal ah oo uu soo saaray ayaa waxa uu ku yidhi 

Dhinaca Kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in uu ka guuray Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Soomaaliya oo uu deganaa.

Guddoomiyaha ayaa la sheegay in uu u guuray Huteel dhinaca ku haya Madaarka Muqdisho, waxaana soo dedejiyay in uu wakhtigan ka guuro Guddoomiyuhu hoygii uu ka deganaa Villa Somalia ka dib markii sida la sheegay culays badan lagu saaray, isla markaana laga jaray cuntadii iyo booqashada dadkii u imanayay.

COMMENTS
Latest News