Burconews.net
Madaxweynaha Dalka Erteria Oo Maanta Booqasho Ku Tagaya Magaalada Moqdisho
December 13, 2018 - Written by Admin

Burconews.net_ Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa maanta lagu wadaa inuu booqasho ku tego magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya halkaas oo uu kusoo dhaweyn doono madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Afwerki ay ku casuuntay dalka si labada dal ay uga wadahadlaan xidhiidhka  taarikhiiga ah ee ka dhexeeyo.

Qoraal ay dowladda soo dhigtay barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay yeelanayaan kulan ku saabsan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo danaha ka dhexeeyo labada dal.

Hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ayaa dhawaan kulan ku yeeshay magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay kaga wada hadleen heeshisyadii ay ku kala saxiixdeen Asmara iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa.

COMMENTS
Latest News