Burconews.net
19 Qof oo ku dhimatay shil Gaari oo ka dhacay Yugaandha
December 20, 2018 - Written by Admin

Burconews.net_Ugu yaraan 19 Qof ayaa ku geeriyootay, Lix kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaartay  shil Gaari oo ka dhacay degaanka Kapchorw, ee bariga Dalka Yugaandha, sida uu Wakaaladda wararka ee AFP u sheegay , Rogers Taitika, oo ka tirsan Saraakiisha Booliska.

Gaarigan oo uu noociisu ahaa Bus, ayaa xilligaasi waday shaqaale ka tirsanaa hay’adaha aan Dowliga ahayn ee Maraykanka American NGO’s.

Shilkan ayaa loo aaneynayaa inuu sababay markii uu Gaarigu ka lumiyay Kantaroolka, isla markaan uu ka baxay Waddada, sida ay Boolisku sheegeen.

COMMENTS
Latest News