Burconews.net
Turkiga oo tababar u soo gabagabeeyay Saraakiishii u horeysay oo Boolis ah
December 20, 2018 - Written by Admin

Burconews.net_Xerada Tababarka Ciidanka ee TURKSOM ayaa waxaa tababar loogu soo gabagabeeyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Munaasabad tababarka loogu soo xirayay Saraakiisha Booliska ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Amniga Maxamed Abukar Islow, Taliyaha Booliska Soomaaliyeed, Safiirka Turkiga ee Soomaaliya iyo Saraakiil kale.

Saraakiisha tababarka loo soo gabagabeeyay ayaa gaaraya illaa labo boqol, kuwaasoo noqon doona Macallimiin tababar siiya Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Xerada Tababarka Turksom ayaa waxaa dhowaanahan ka socday tababaro la siinayay Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, kuwaasoo ka qeyb qaadanaya howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

 

COMMENTS
Latest News