Burconews.net
Maxaa Ka Soo Baxay Shirkii Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Deegaanka Soomaalida Oo Wajaale Ku Kulmay
December 21, 2018 - Written by Admin

Burconews.net_Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Deegaanka Soomaalida ayaa ku kulmay Magaaladda Xuduuda Ku Taala ee Wajaale.

Kulankan oo ay labada Madaxweyne ku wehelinayeen xubno ka tirsan wasiiradooda ayaa waxa ay kaga wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka labada dhinac.

Mustafe Muxumed Cumar Madaxweyneha Deegaanka soomaalida ayaa ka raali geliyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumadiisa hadalo dhawaan ka soo yeedhay oo uu ku sheegayay in Somaliland laga soo maleego falal amni darro oo lagu minjo xaabinayo Deegaanka soomaalida.

labada madaxweyne oo ku wada hadlayay Dhianca somaliland ayaa markii uu wada hadalku u dhamaaday isla markaana ay isku afgarteen in xiidhiidhka la sii xoojiyo, lana fududeeyo isu socodka labada shacab waxa ay u talaabeen dhinaca Galbeed ee Ethiopia iyada oo halakasi si diiran loogu soo dhaweeyay.

 

Image may contain: 2 people, people standingImage may contain: 1 person, standing and indoorImage may contain: 1 person, standingImage may contain: 2 people, people standingImage may contain: 2 people, people smiling, people standing and indoor

COMMENTS
Latest News