Burconews.net
Musharax Gadaalle iyo Saladiinta dhaqanka Gobolada Sool iyo Cayn oo kawada hadlay arrimaha doorashadda Puntland 2019.
December 22, 2018 - Written by Admin

Burconews.net_Musharax Madaxweyne Dawladda Puntland Dr, Aadan Maxamed Ciise Gaadaale ayaa galabta galinkii danbe booqasho iyo Salaan ugu tagay qaar kamida Isimada dhaqanka ee Puntland, gaar ahaana Isimada gobolada Sool iyo Cayn.

Musharax Madaxweyne Aadan Maxamed Ciise (Gadaale) oo kamid ah musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxtimada Dowladda Puntland doorashadda Janaayo 2019ka ayaa booqday qaar kamid ah saladiinta dhaqanka Gobolada Cayn & Sool.

Saladiinta dhaqanka oo ku mashquulsan xulista xubnaha Barlamaanka Puntland oo mudo ku howlanaa ayaa soo dhaweeyey musharaxa waxaana ay muujiyeen tageero ,waxaana ay uga mahadceliyeeen doorka uu ka qatay nabadgelyadda iyo daryeelka bulshada Puntland.

Musharaxa iyo isimadu waxaa ay wada qateen kulan ay ku falanqeeyeen doorashadda Puntland ay galayso bisha Janaayo ,Nabadgelyada,xulista barlamaanka iyo  sida ay muhiimka u tahay in doorashadu noqoto mid si cadaalad iyo nin tooxsi  la,aan ah u dhacda,iyadoo meel looga soo wada jeensanayo saladiinta dhaqanka ,musharixiinta iyo bulshaduba wax kasta oo keeni kara hufnaan la,aan.

Saldiinta dhaqanka ee kulanka ku sugnaa waxaa kamid ahaa.

  1. Garaad Salebaan Garaad Buraale aq-aden
  2. Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe
  3. Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed
  4. Suldaan Siciid Cismaan Cali

Kulanka oomudo socday laguna lafo guray arimo muhiim ayaa kusoo idladay  guul iyo is af-garad dhammaan arimihii lagawada hadlay.

COMMENTS
Latest News