Burconews.net
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Walaac ka muujiyay is-dhexgalka Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya
December 26, 2018 - Written by Admin

Burconews.net:-Guddoomiyaha Xisbiga Wada-jir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa walaac ka muujiyay xaaladda Soomaaliya maanta ay ku sugan tahay iyo Isdhexgalka dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ee wakhtigan socda.

Waxaa uu sheegay in faragalintii ay dowlada Itoobiya  ay ku sameysay Soomaaliya sanadkii 2006 ay dhalatay Caqabad weyn oo maanta Soomaaliya heysata ,taasoo ah in ay sameysmeen Al-Shabaab. Waxaa uu sidoo kale xusay in dowladda Mareykanka ay taageero siinaysay Xilligaasi dowladda Itoobiya, islamarkaana ay daba ka riixsay faragalinta dowladda Itoobiya ee Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in uu cabsi weyn uu qabo Natiijo ka daran Al-Shabaab ay ka dhalato Soomaaliya, islamarkaana hadda ay muuqato saansaantaasi.

“Faragelintii Itoobiya ay Soomaaliya ku samaysay sanadkii 2006dii, Dawlada Maraykanka ayaa gadaal ka taagnayd. Waa la wada ogyahay oo waxaa ka dhashay Alshabab. Saansaan sidii u eeg ayaa muuqata. Markan waxaan ka cabsi qabaa in natiijo Alsbabaab ka daran ay ka dhalato” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

COMMENTS
Latest News