Madaxweynaha Hirshabeelle oo war ka soo saaray dagaal beeleedyo ka dhacay Gobolka Hiiraan | Burconews
Burconews.net
Madaxweynaha Hirshabeelle oo war ka soo saaray dagaal beeleedyo ka dhacay Gobolka Hiiraan
December 26, 2018 - Written by Admin

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay dagaal beeleedyo ka soo cusboonaaday deegaanno hoos yimaada Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, isagoo ku tilmaamay in dagaaladaas ay yihiin kuwo lagu taageerayo Al-Shabaab.

Madaxweyne Waare ayaa ugu baaqay waxgaradka beelaha inay joojiyaan dagaalka, isagoo carabka ku adkeeyay in aan loo baahneyn xilligan dhiig si macno daro ah loo daadiyo, iyadoo uu ka tacsiyeeyay dadka ku dhintay Colaadaasi kuwa dhaawaca ahna uu u rajeeyay caafimaad qab.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Maamulka Hirshabelle ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato wax walba oo sababi kara in dagaalladaas lagu joojiyo, isagoo uga digay beelaha Hirshabelle inaysan taageerin Al-shabaab oo uu ku tilmaamay koox kasoo horjeedda nabadda iyo deggenaanshaha dalka.

“Colaado ay qaabkoodu leeyihiin muuqaal qabiileed balse aysan siyaasadi ka marnayn ayaa ku soo laalaabtay , Hirshabelle, waxaana ku baaqayaa inay odayaasha iyo siyaasiyiinta Hirshabelle kasoo jeeda inay u istaagaan joojinta colaadahaas,” ayuu yiri madaxweyne Waare.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ku baaqay in xabbada la joojiyo, wixii dhinacyadu ay isku hayaanna si nabad ah lagu dhameeyo, maadaama wax kaa maqan aan lagu helin xabbad, dhinac walbana loo keeno dhinaca kale lana yiraahdo waxaas ayuu walaalkaa kaa tabanayaa ee ka raalli-geli.

“Walaalaha ku dagaalamaya Hiiraan ha ogaadaan in colaadaha ay galayaan ay yihiin kuwo lagu taageerayo kooxda Al-shabaab” ayuu yiri madaxweynaha.

Waxaa uu sheegay inay soo arkeen dhibaatada ay colaaddu leedahay, balse ay muhiim tahay in laga shaqeeyo nabadda.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa guddi u diray, joojinta colaad beelaadyadaasi, kuwaasi oo isugu jira xubno ka tirsan labada gole ee Maamulka Hirshabelle, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, saraakiisha Ciidamada Hirshabelle, iyo Waxgarad kale waxaana maalintii sedexaad Degmada Maxaas ay u joogaan sidii loo joojin lahaa colaadahaasi

COMMENTS
Latest News