Dhalinyar Baaq udirtay xukumada muuse bixi | Burconews
Burconews.net
Dhalinyar Baaq udirtay xukumada muuse bixi
December 27, 2018 - Written by Burco News11

BAAQ: Ka Soo Baxay Dhalinyarada badhan iyo dhahar Ee gobolka sanaag
on December 27,2018

kuna socda dhamaan shacabka Soomaaliyeed
gaar ahan reer somaaliland

Kulan xaga hawada ah ama qaadka loo yaqaano (conference call) oo si murtiyeysan loo soo agaasimay ayaa xaleyto waxa isugu yimid dhalinyarada ka soo jeedo maakhir
ee ku dhaqan dalka iyo dibadda Kulankan oo dhinaca Tiknoolajiyada ahi wuxuu noqonayaa midkii u horeeyey ee dhalinyarada ka soo jeedo
(GOBOLKA SANAAG ) u qabsooma tan iyo intii uu dhacay shirar kala duwan oo ka dhacay Magalooyinka dhahar iyo badhan taaso aan u cuntamin dhalinyarada aqoonyahiinta ah ee ka soo jeedan
Gobalada ku midoobay maakhir State

kulankan oo ahaa mid xoojin iyo kor u qaadista walaaltinimada dadka walaalaha ah ee ka soo jeedo gobolka sanaag waxa si mugwayn looga hadlay xaalada cakiran ee ka dhax jirto gobolka iyo jamhuriyada somaaliland taaso ah mid aan loo baahneen Waqtigaan

waxaan cadeyneeynaa Mooqifkeyna ka dhalinyaro ahaan in ee na matalin dadka ku hadlaayo af qabiil oo xambaarsan caadifad Qabyaaladeysan iyo nin jecleysi ama nin diidmo ah hab qabiil lagu diidanyahay

Gobolada ama Degmooyinka ayaan ka jirin wax nadaam ah iyo horumar islamarkasna cadoow gacanta ugu jiraan ( punteland )
Deegamada sidaa ah miyeey ku haboontahay in hab Qabyaaladeysan dadkooda loo kala kheybiyo anaga ka dhalinyaro ahaan waan ka soo horjeednaa habkasto oo ka dhax muuqto Qabyaalad iyo burburin mustaqbalka dhalinyarad.

Dhalinyarada markey qiimeeyeen danta-guud iyo wada jirka shacabka gobolka sanaag mustaqbalka iyo xaalada haatan lagu jiro dhalinyarada ka soo jeedo gobolka sanaag Somaliland Waxeey soo sareen lix qodob oo muhiim u ah shacabka

(1).dhalinyarada gobolka sanaag waxay si buuxda u taageerayaan go’aankii wada jirka iyo is ixtiraamka wada noolashaha shacabka walaalaha ah ee dagan somaaliland lagu tageerin qof hab qabiil aana looga soo horjeysan hab Qabiil dadka iyo deeganka waxeey leeyihiin hal cadow waana midka hada dhibaatada ku haayo oona haysta deegamada intiisa kale .

(2}.waxaanu ugu baaqaynaa dowlada somaaliland iyo bulshada in ee ka wada shaqeyaan danaha shacabka iyo horumarinta bulshada

(3}.hadii aanu nahay dhalinyarada ka soo jeedo gobolka sanaag ee degaanada dhahar iyo badhan waxaanu ka digaynaa oo aan ka soo horjeedna iska hor keynida shacabka somaaliland hab qabiil

(4}.dhalinyarad somaaliland waxey ugu baaqaynaa in ay dowladda kala shaqeyan horumarka dalka

(5}.dhalinyarada gobolka sanaag ka soo jeedo waxay baaq wada jir ah u soo jeedinayaan
Daladda sonyo inay iscasilaan xubnaha daladda

(6}.waxaanu ugu baaqaynaa dowladda inay mashaaricde horumarinta bulshadda sida ugu dhaqsaha badan gobolka laga Fuliyo

Fadlan Share gaarsii Shacabka somaaliland iyo Horumarka jaceyl
Waan mahadsantihiin
#gudoomiyaha Guud dhalinyarad sanaag bari
Siciid abdirashiid mohamed (talaabo)

COMMENTS
Latest News