Burconews.net
Dagaalkii Ugu Xuma Oo Onlf Lagu Soo Qaday.
January 12, 2019 - Written by Admin

Burconews.net.net:-waxaan madashan soo dhigay shaxda lugu ciyaar siin doono madaxda ONLF iyo xeelada xubnaha lugu furfuri doono ee kala jooga daafaha dunida..Madaxtooyada JIG JIGA, marnaba daacad kama ahaan doonto mustaqbalka geedi socodka ONLF, waxaana usabab ah damac mise qorshe soo jirray Isla markana dhinacyo kala duwan ku lug leeyihin kuna saabsan sidii ONLF looga soo saari lahaa deegaanka mise loo diyaarin lahaa barnaamijyo la mid ah sida OPD dagaalka uggu furrtay ururka OLF ee deegaanka Oromia..

Hadaba, maxaa diyaarsan oo bilahan soo socda la guda galli doonaa si sumcada ONLF hoos loogu dhigo Isla markana xubnaha ururka ee awooda badan loo mashquulin lahaa si mustaqbalka hakad loo galiyo.

– xubnaha ururka waxaa lugu kasban doonaa inney furrtaan haayaddo samafal iyo haayado Xuquuqul insaan oo hoos yimaada xafiis toos ugu xidhan madaxtooyada hase ahaatee magac kale loo bixiyay.
– Wafuuda ONLF ee gobolada usocdaali doona, waxa lugu sameyn doonaa “Shaki galin iyo tashuush” Waxana Howshaasi loo xilsaaray xubno ONLF soo ahaan jirray balse toos ugu xidhan madaxtooyada.
– Xubnaha ONLF iyo jaaliyadka Dalalka dibada waxaa lugu sameyn doonaa furfur loo kala saarayo nidaam ku dhisan kooxeysi iyo goboleysi ka dibna xaalad abuur saldhig utahay sidii awooda ururka iyo awooda xubnaha hoos loogu dhigi lahaa si mustaqbalka ONLF loogu kala jabiyo kooxo kala aragti iyo kala fikir ah.
– Waxaa shukaansi joogta ah iyo xidhidh lugu soo sameyn doonaa xubnaha ururka ee fir-fircoon ka dibna waxaa miiska saaran dhaqaale iyo mushaar.

Waxan ku faraxsanahay inney jiraan xubno kaadir ah iyo masuuuliyinta ciidanka iyo madaxda ONLF inney si hoose ulla socdeen shaxda xili hore la diyaariyay balse la sugayay shaqsiyaadka banaanka is keeni doona ee loo soo wakiishay meel marinta qorshaha.

Si, aad ufahanto qorshaha miiska saaran ee dhinacyo kala duwan ku lug leeyihin, waxaad ilgaar ah ku heysaa bishan iyo maal mahan isbadalka soo socda.

By. Mujahid sheikh Ibrahim

COMMENTS
Latest News