Madaxwaynihii dalka Zimbabwe oo Borso Lacaga Laga Xaday. | Burconews
Burconews.net
Madaxwaynihii dalka Zimbabwe oo Borso Lacaga Laga Xaday.
January 12, 2019 - Written by Admin

Burconews.net:-Waxaa dalka Zimbabwe kadhacday mid kamida dhacdooyinkii ugu Hadal Haynta badnaa ee Taariikhda dalkaasi soo marta, Arintan oo ah mid ruux kaste oo ree Zimbabwe ah uu waydiinayo Ruuxa kale ayaa ah dhac loo Gaystay madaxwaynihii Hore ee dalkaasi.

Dhacdadani ayaa ah Saddex Ruux oo maxkamad loo soo Taagay dalka Zimbabwe Eed kusaabsan dhac ay u Gaysteen ama inay xadeen Boorso ay ku jirto $150,000 oo kaash ah oo uu lahaa madaxweynihii xilka laga tuuray ee dalkaas, Robert Mugabe.

Tuugada la tuhunsan yahay ayaa la sheegay in ay lacagtaas ku gateen gawaari, guryo, iyo xoolo nool.

Sida ay ku warrantay warbaahinta dalkaas, mid kamid ah qaraabada madaxweynihii hore, oo lagu magacaabo Constantia Mugabe, ayaa kamid ah eedaysaneyaasha.

Waxaa la sheegay in ay haysay furayaasha guri uu Mr Mugabe ku lahaa tuulada Zvimba, oo u dhaw magaalada caasimadda ah ee Harare, ayadoo tuugada kalena u fududaysay in ay gurigaas galaan.

Dadka kale ee la tuhunsan yahay ayaa gurigaas looga shaqaalaysiiyay in ay nadiifiyaan markii ay xatooyadu dhacaysay, taas oo la sheegay in ay dhacday intii u dhaxaysay 1-dii bishii December ilaa horraantii January.

Mr Mugabe, oo haatan 94 jir ah, ayaa waxaa xoog talada dalka uga tuuray militariga Zimbabwe sanadkii 2017-kii.

Waxa uu talada dalkaas hayey 37 sano, asagoo markii hore noqday Raysul wasaare kadibna madaxweyne.

Tan iyo markii uu hawlgabka noqday, Mr Mugabe waxaa dhib ku ahaa socodka, wuxuuna muddo dhowr bilood ah arrimo caafimaad ugu maqnaa dalka Singapore.

Ma cadda in uu guriga ku sugnaa markii ay xatooyadu dhacday.

Saddex kamid ah dadka la tuhunsan yahay ayaa lagu sii daayey damaanad, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP, halka qofkii afraadna la siidaayey.

 

COMMENTS
Latest News