Xisbiga Jigjiga oo ceebi karaacday Olole ONLF ceebayn ah oo uu bilaabay. | Burconews
Burconews.net
Xisbiga Jigjiga oo ceebi karaacday Olole ONLF ceebayn ah oo uu bilaabay.
January 12, 2019 - Written by Admin

Burconews.net:-Kooxahani oo u jeedka loo diray kaliya uu yahay inay isku dayaan sidii ay xisbiga ONLF dadka uga Horkeeni lahaayeen, ayaa Qaar-kood Gaadheen meelihii loo diray sida Gobolada Faafan, Jarar, Sitti, Jarar, Qoraxay iyo meelo kale.

Kooxahan ayaa durba bilaabay shirar khasab ah oo dadka ay isugu keenayaan iyaga oo is Garab wada Lacago aan badnayn oo ay dadka Qaar u Taagayaan iyo caga Juglayn, waxayna inta badan deegaamadii ay tageen ay kala kulmeen Waj-gabax kadib markii shirka looga dareeray.

Kooxahan oo ku dhuumanaya waxay ugu Yeedheen Tababarka Hogaaminta Hoose ee xisbiga ayaa wax sheegoodu noqday dhaleecaynta iyo wax kasheega ONLF, waxaana meelaha shirka loga dareeray kamida degmada Kudun-buur oo saaka shacabku dhagax Tuur kala daalay, kadib markii warkoodu wax kasheega ONLF kadhamaan waayay.

Meelaha kale oo kooxihii loo diray lagu Foodh-yay ayaa waxaa kamida magalada Shiniile ee xarunta Gobolka Sitti Halkaasi oo Team-kii loo diray Tababarkoodu noqday cayda iyo wax kasheega ONLF, taasi oo keentay in shacabku Hal mar ah Foodhi iyo Qaylo isku daraan kadibna isga kala dareeraan.

Kooxdani Faasidka ah ee Horay Woyanuhu uga samaystay wadanka Ogadenia haatana Oromadu Lawareegtay ayaa iskudayaysa inay shacabka iyo ONLF si uun isaga Horkeento, maadaama ay %100 kuqanacsan yihiin inaysan wax Taageera ah Haba-yaraatee shacabka kahelaynin waxa kaliya ee looga bartay hadana laga sugayaa ay tahay daba-dhalifnimo iyo bahdilka shacabka Somaaliyeed ee ay magaciisa ku Qaraabtaan. Isha Ku Hay Ogaden24.net

Xigasho ogaadeen24.net

COMMENTS
Latest News