Yaa U Maqan Kurdiyiinta Markuu Mareykanka Isaga Baxo Suuriya | Burconews
Burconews.net
Yaa U Maqan Kurdiyiinta Markuu Mareykanka Isaga Baxo Suuriya
January 13, 2019 - Written by Salaxley Saxlay

(BURCONEWS)-Yaa U Maqan Kurdiyiinta Markuu Mareykanka Isaga Baxo Suuriya.

Mareykanka

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in heshiis ku saabsan dhowridda dagaal yahannada Kurdiyiinta ee ku sugan Suuriya lala gaaro Turkiga, kaddib marka uu Mareykanka isaga baxo halkaasi.

Wuxuu ka hadlayay isagoo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta isagoo sidoo kale qadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa Turkiga.

Xoogagga Mareykanka ee ku sugan waqooyiga Suuriya ayaa ka barbar dagaallamayay maleeshiyaadka Kurdiyiinta iyagoo ka dhan ah kooxda Daacish.

Turkiga, ayaa si kastaba, u arka kooxda (YPG) inay yihiin argagixiso wuxuuna wacad ku maray inuu cagta marin doono.

Mareykanka

Pompeo ayaa booqasho ku maraya Bariga Dhexe, kaddib markii uu madaxweyne Donald Trump ku dhawaaqay bishii hore in ciidammadiisa uu kala baxayo Suuriya.

Isagoo weriyeyaasha kula hadlayay magaalada Abu Dhabi, ayuu Pompeo sheegay in Mareykanku uu garwaaqsan yahay xuquuqda dadka Turkiga iyo xaqa uu madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu u leeyahay inuu dalkiisa ka difaaco argagixisada.

Mareykanka

Toddobaadkii hore, madaxweyne Erdogan ayaa si caro leh u diiday baaq uga yimid la taliyaha ammaanka ee dalka Mareykanka John Bolton, kaas oo ku aaddanaa dhowridda dagaal yahannada Kurdiyiinta.

Wuxuu sheegay in hadalkaasi uu yahay “mid aan la aqbali karin”

COMMENTS
Latest News