Burconews.net
Al-Shabaab Oo Soo Bandhigay Muuqaalka Dilal Ay Ka Fuliyeen Muqdisho & Qaraxyo (Daawo Sawirro)
February 10, 2019 - Written by Admin

Kooxda Al-Shabaab ayaa soo saartay filim cusub oo ay kusoo bandhigtay dilal qorsheysan oo ay u geysatay saraakiil ciidan iyo shaqaale ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Mu’assada Al-kataa’ib Garabka Warbaahineed Al-Shabaab ayaa soo saartay Filimkaan oo soconaya 11 daqiiqo kaasoo lagu soo bandhigay dilal qorsheysan oo garabka dilalka qorsheysan u qaabilsan Al-Shabaab oo lagu magacaabo Muxamed Bini Maslamah ay ka fulinayaan gudaha magaalada Muqdisho.

Filimka ayaa waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay qaraxyo ay ka fuliyeen qaar kamid ah gobollada dalka dhulka NFD ama gobolka Waqooyi Beri Kenya.

Ruuxa ugu horeeya ee kasoo muuqanaya muuqaalka ayay magaciisa ku sheegeen Maxamed Cabdi Cilmi oo kamid ahaa waaxda dambi baarista ee CID sida ay Al Shabaab sheegeen.

Ruuxa labaad ayaa lagu sheegay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda oo lagu dilay ex Control Afgooye, waxaana ku xigay Cali Maxamed Cabdi oo la sheegay inuu ahaa xildhibaan hore iyo Daahir Iidow oo ka tirsanaa dowladda Hoose ee Muqdisho.

Muuqaalka waxaa kamuuqday qaraxyo meel fog laga duubay oo Al Shabaab ay ka dambeeysay, waxaana lala eeganayay ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka.

COMMENTS
Latest News