Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidamada Dowladda Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho (Akhri Magaca) | Burconews
Burconews.net
Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidamada Dowladda Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho (Akhri Magaca)
February 10, 2019 - Written by Admin

Burconews.net:-Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa ku warramaya in toogasho lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada booliiska Soomaaliya.

Dableey hubeysan oo watay gaari nooca raaxada ah ayaa sarkaalkan ku dishay degmada Hodan gaar ahaan Xaafadda Barmuudo.

Dableeyda ayaa sarkaalka toogtay xilli uu kasoo baxay saldhig ay ciidamada booliiska ku leeyihiin xaafadda Barmuudo, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa magiciisa lagu sheegay Cali Canshuur waxana uu ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Booliska degmada Hodan ka howlgala.

Daleeyda ayaa daqiiqado kadib ku baxsadeen gaarigii ay wateen, iyadoo ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya oo tagay goobta marka uu dilka dhacay kadib ay halkaasi ka qaadeen meydka sarkaalka oo ay u qaadeen xarunta dambi barista CID.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sare u qaaday beegsiga ay ku heyso ciidamada iyo saraakiisha dowlada Soomaaliya.

COMMENTS
Latest News