Burconews.net
WASIIR SACAD CALI SHIRE OO AAN KA WAR HAYN MUSUQ MAASUQA KA JIRA KASTAMKA LAWYADA CADO+SABABTA
February 12, 2019 - Written by Admin

Burconews.net:-Madaxwaynaha Somaliland muuse biixi abdi waxa uu isku shaydhayn ku sameeyey golahiisa wasiirada   nov-10-2018 isagoo wasiirka wasaarada maaliyada u magacaabay  mudane sacada cali shire oo in mudo ah ahaa wasiirka wasaarada arimaha debeda Somaliland  isagoo xilal kaladuwana ka soo qabtay xukuumadii ka horeysa  ee madaxwayne  siilaanyo   madaxwayne muuse biixi waxa uu ku rajo waynaa in uu mr sacad ali shire uu wax wayn ka qaban doono  wasaarada maaliyad oo uumusuq maasuq baahsani ka jiray kastamadeeda oo isla markaana oo uu   dhamaytiraayo waxyaalihii ka khaldanaa wasaarada maaliyada oo ay ugu  horay ugu magacaabay  wasiir yuusuf maxamed cabdi oo mudo badan ka soo shaqaynaayey wasaarada maaliyada Somaliland .

Wasiirkii hore ee wasaarada maaliyada Somaliland  yuusuf maxamed  markii ugu horaysay ee uu yimid wasaarada maaliyada  wuxuu sameeyey isku shaandheynta

 kastamada gobolada Somaliland  kuwaas oo ay dul hoganeyso musuq maasuq baahsani  isla markaana waxa uu magacaabay  masuuliyiin uu isagu ku kalsoon yahay oo uu watay waxaanu dhamaanba  shaqadii ay hayeen ka wada eryey masuuliyiintii hore isagoo markaas uga shakisanaa in ay sameeyeen musuq maasusuq baahsan oo saameeyey  kastaada  galbeedka iyo bariga   Somaliland  wasiirku wuxuu ku kalsoonaa masuuliyiinta uu xiigaas u magacaabay oo ahaa kuwo si gaara uga amar qaadan jiray  wasiirka maaliyada  oo uu ku kalsoonaa   mudo badan kadib    waxa uu madaxwayne muuse biixi abdi uu ka badelay xilkii wasiika maaliyada mudane yuusuf maxamed cabdi  waxaanu ku bedelay wasiir sacad cali shire  waxaana wasiirkii hore loo bedelay  gudida tacliinta sare.

 

Wasiirka wasaarada maaliyada Somaliland sacad cali shire waxa uu    markii ugu horaysay ee uu wasaarada maaliyada la wareegey uu sameeyey isku shaandhayn balaadhan oo uu ku sameeyey  dhamaan  kastamada Somaliland oo  uu  wasiir sacad mar kale  ka shakiyey  in dhamaanba kastamada  Somaliland ay ka jirto  musuq maasub baahsan  lkn wax uu  markale  ka reebay kastamka lawyada cado lana garaneyn sababta uu uga reebay kastamada kale     ee uu ku sameeyey  isku shayndhanta    wasiir sacad wuxuu magacaabay  masuulinyiin cusub  oo la jaanqaada maamulkiisa uuna ku kalsoon yahay .

Kastbamka lawyada sidaynu kor ku soo sheegney  marna  isku shayndhaynta wasiirada xukuumada muuse biixi may saamayn   hada mar ay warbaahinta burconews   ay u hawl gashay sababta ayaa waxaa waxaanu ogaaney in aanu wasiirka wasaarada maaliyada Somaliland sacad cali shire kaba war hayn  masuuliyiinta jooga iyo waxay qabtaan   sidoo kalena aanu ka war hayn musuqmaasuqa ka jira   gobolka salel gaar ahaan xadka lawyadcado  oo uu ku yaalo kastam ay ka soo xaroodaan lacago badan waxaana mara  dhamaan booyadaha shidaalka ka soo qaada  jabuuti  sidoo kale ganacsada Somaliland ayaa  alaabta kala soo dega  dekada jabuuti kuwaas ayaa waxay ka soo gala xadka  aynu la leenahay  dalka jabuuti ee lawyada cado

Dhawaan ayay ahayd markii warbaahinta burconews ay la xidhiidhay  qaar mida shaqaaalaha  kastamka  lawgaya cad    waxayna noo sheegeen in musuq maasuq uu ragaadiyey kastamka lawyada cado  oo aanu wasiirka wasaarada maaliyaduna aanu warba ka hayn

Waxaanu waraysaney dhawr qof oo aanu  magacooda  noo sheegin sababa la xidhiidha amnigoo ayaa waxay noo sheegeen  in masuulka ugu sareeya  kastamka  lawyacado oo loo yaqaano ahmed sheikh cilmi

 hadalkoodana waxa kamida

Kastabka  lawyada cado waxa ka masuula ahmed sheikh cilmi   masuulkani waxa uu sameeyaaa kastamka  cashuuraha ka soo gala  ee laga qaado  ganacsatada alaabta u kala goosha Somaliland iyo jabuuti lacagta cashuurtaa ee laga qaado waxa uu sameeyaa  hadii  booyada shilaadkaa  ee ka soo gasha jabuuti laga qaado lacag dhan 500,000 shl waxa uu  khasnada dawlada ku ridaa  200,000shlin halka uu inta kalana uu ku shubtaan account gaara isaga iyo rag gaara oo la shaqayta  masuulka kastamka  lawyadacado   iyadoo  ay shegeen masuuliyiinta aanu la hadalney  in aanu  wasiir sacad cali shire iyo  wasiirkii hore ee maliyada yuusuf maxamed cabdi aaney marnaba bedein masuuliyiintan oo ay meesha joogeen mudo  10 sano ah oo aan marnaba waxba laga bedelin  maamulka kastamka lowyada .

Burconews ayaa  waxa ay wax  ka waydiisay in ay jiraan  in wasiir sacad ka war hayo musuq maasuqa ka jira kastamka lawyada cado iyo inkale waxay noo sheegiin in aanu wasiir sacad guud ahaaba aanu waxba ka ogayn  muqusmaasuqa ka jira kastamka lawyacado  oo ay ku kooban tahay  oo keliya masuuliyiinta  kastmka ,waxayna madaxwaynaha Somaliland  muuse biixi abdi iyo wasiirka wasaarada maaliyada Somaliland sacad cali shirk a codsadeen in degdeg  uu wax uga qabto dadkan   cashuurta muwaadinku bixiyey musumasuqa ku haya .

 

COMMENTS
Latest News