Dalkaa Jabuuti Waa Mucjisada Geeska afrika!! | Burconews
Burconews.net
Dalkaa Jabuuti Waa Mucjisada Geeska afrika!!
February 27, 2019 - Written by Burco News11

 

Waxan dib u yara eegay ama darasad kooban ku sameyay dhaqdhaqaaqyada, siyaasadeed, dhaqaale iyo dhaqan, ee wadamada geeska africa.

Runtii waxa isoo baxday in dalka jabuti iyo dadkiisuba yihiin mucjiso ka so dhex muqatay isbedeladii ka dhacay dalalka geeska afrika, waxana arrintan marag u ah qodobadan hoos ku xusan:-

1. Dalka Jabuti Wa dalka dhul ahaan iyo dad ahaanba ugu yar wadamada Geeska Africa.

2. Dalka jabuuti Wa dalka ugu yar xaga ilaha dhaqaalaha, hadana waxa uu ka dhaqaalo badanyahay wadamada geeska afrika , ka mida sida somalia somaliland , iyo elateriaba.

3. Dalka jabuuti waxa uu ka badbaaday, Midnimadii somaliyeed ee ku dhisnayd jibada taasi oo laga dhaxlay burbur iyo dagaalo sababay burburka iyo qaska ila maanta taagan.

4. Dalka iyo dadka jabuuti waxa kalo oo ay ku guulaysteen inay ama ka soo dhexbaxeen caqabadihii iyo dagaaladii ka dhacay wadamada geeska afrika gaar ahaan kuwa la leh xuduudaha isla markaana qarkood ay jinsiyada wadaagan,
dagalada hadaan xuso, waxa ka mida dagaalkii 1977 ethiopia iyo somalia, dagaalkii ka dhexqarxay somalia, ee jabhadii snm iyo dawladii somalia, sidoo kale dagaalk ka dhacay dalka ethiopia, ee jabhadii tegriga, iyo xukuumadii mingiste,

dhamaan dagalladan iyo wadamada ay ka dhaceenba dalka jabuuti waxa uu la leeyahay xuduud, dagaladan aya ah kuwo dalkan saamayn dhaqaale, mid siyaasadeed mid amaan intaba ku lahaa dalkan iyo dadka reer iabuutiba, balse dalka iyo dadka reer jabuuti si la yaab leh ayay uga gaashanteen arrimaha isla markana uga banbaaniyeen dalkoodi iyo dadkoodiba.

5. Dalalka geeska afrika marka laga Reebo Dalka kenya, Waxa ka jiray Jabhado Hubaysan oo dagal kula jiray Talisyadii kala gedisna ee Dalalkan,

Sida awadeed dalka jabuuti waxa uu noqday dalka kaliya ee jabhadiisi si nabad ah oo ku dhisan caqli fayow iyo siyaasad hufan , kusoo xerogaliyay, jabhadii ka jirtay dalka ee ka dagaalamaysay halkana ay kuso afjaray dagaaladii jabhadadas. , halka dawladihii kale ee geeska africa ay ku guul daraysteen so xerogalinta jabhadii ka so horjeeday, isla markana ay dhamanba jabhadasi si dagaal ah xukunadii uga tureen dalakaas, ayadoo jabhadaasi ay qabsadeen, maamuladii dalalakan.

6. Waxa iyana Xusid mudan mucjisada kale ee dalkan jabuuti iyo dadkiisuba ku suntanyihiin, Waxa jirtay in dhamaanba dalalkii geeska africa ee la jaarka ahaa dalkan Jabuuti ay Qabsadeen jabhadihi ka dagaalamayay, hadaba dalkan jabuuti iyo dadkiisuba waxay si mucjisaha uga soo dabaasheen, burburkii Ku dhacay dalalkan iyo nidaamyadii jabhadaha ee qabsaday wadamadan , kuwas oo sida runta ah caqabad ku ahaa dalkan samayna ku laha madama uu dalka jabuuti la lahaa dalalkan xuduud, iyo cilaaqaad siyasi mid dhaqaale dhamanba xukumadihii dalalkan ee xukunka laga tuuray.

Ugu danbayn jabuuti way ka samata baxday isbedelkas iyo caqabadihiisi

7. Mucjisooyinka dalkan jabuuti iyo dadkiisa waxa kale oo ka mida, isbedelada maamul ama xukumadeed ee soo maray ama kadhacay tan iyo intii ay qaateen xoriyadoodi, oo ah mudo dhan 42 sano. waxa so maray laba madaxweyne oo kaliya , Marxum Xasan guled iyo Madaxweyne ismacil c.gele oo hada xilka haya.

Markaad barbar dhigto dalalka geeska afrika , wad garan kartaa inta maamul ama madaxweyne ama raisal wasaare ee soo martay dalalkan. (arintaasi wa mid ka midaha arimaha horumarka dalka jabuti iyo dadkiisiba iyo sida ay ugu bislaadeen arrimaha siyaasada.

8. Dalalaka geeska afrika marka laga reebo dalka ethiopia, waxay wada leeyihiin Dekedo , waliba ka waaweyn ta dalka jabuuti, hadana Dekada dalka jabuti wa ta kaliya ee ugu isticmaalka iyo dhaqaalaha badan, dekadaha wadamada geeska afrika .

Marka la eego dalka ethiopia oo ah kan ugu balaadhan dad ahaan iyo dhul ahaanba geeska afrika, isla markana ah wadanka kaliye ee an lahayn bad ,
waxa xusid mudan in Dekeda Jabuuti ay tahay ta kaliya ee Dalka ethiopia Wax kala so dego 80%, alaabooyinka iyo waxay u bahanyahay dalkaasiba.

Waxa kale oo xusid mudan in dhawaan dalka jabuuti iyo ethiopia ay kala sexeexdeen heshiis ku saabsan dhoofinta shidaalka laga helay dalka ethiopia gar ahaan dawlad deganka somalida, heshiiskaas i oo dhigaya in dekeda dalka jabuuti laga dhoofiyo shidaalkan.

Hadaba ayadoo ay dalalka geeska afrika dhamantod leeyihiin dekedo isla markana ay xudud la wadaagan dalka erhopia si lamida dalka jabuti hada waxa mucjiso iyo horumar weyn ah in dekeda dalka jabuuti ayadu markastaba tahay ta ugu socodka badan.

9. Dalka jabuuti oo aan ognahay in uu yahay dalka ugu yar dhul ahaan iyo dad ahaanba geeska afrika, sido kalana aan lahayn ilo badan oo dhaqaale, hadana waxa uu awooday in uu ka faaidaysto muhiimada bogcada ay kaga yaalan geeska africa, waxana dalka jabuti isugu yimid, dawladaha caalamka ugu quwada badan, sidoo kalana ka kala tirsan qaradaha aduunka , kuwaas oo saldhigyo milater, iyo kuwa ganacsiba ku leh dalka jabuti, Sida Maraykanka , chinaha, iyo Faranska.

Taasina wa siyaasada hufan ee ku dhisan hogaaminta saxda ah . dalka jabuuti.

10, Dalka jabuti wa dalka kaliye ee geeska afrika ku yaal, ee dalkiisa isugu keenay intaas oo quwadood oo ka mida qaradaha aduunka, kuwaas oo danahooda siyaasadeed , iyo kuwa dhaqaale, iyo kuwa milateriba ay kala gedisanyihiin iskana hor imanayan balse mid walba uu dalka jabuuti sidiisa uga faidaysanayo, mid walbana, ula macaamila sidiisa.

11. Dalka jabuti waa dalka kaliye ee anu marnaba ka curan muran siyaasadeed oo gudihiisa, iyo dagaalo sokeeye toona.

12. Dalka jabuti wa Dalka kaliya ee wali cilaaqad wacan oo ah dhanka milateriga, dhaqaalaha iyo siyaasadba intaba la leh Dawladii ay xoriyada ka qaateen ee dalka Faransiiska. halka dalalkii kale ee xoriyadaha qaatay aanu jirin mid kaliya oo xidhiidh la leh wadamadii ay xoriyadooda ka qaateen.

13. Dadka reer jabuti gar ahaan bulshada somalida, waliba ciisaha waa bulshada kaliya ee dhaqan ahaan leh hal madax dhaqmeed, oo ah ugaaska beelaha ciise, halka bulshooyinka kale ee somaliyeed ay jifo waliba madaxdhaqmeed goniya iskeed u leedahay. taasina waxay mujinaysa in aan dadka reer jabuuti gar ahaan belaha an xusay aanu ka burburin dhaqankii iyo isku duubnidii ay lahaayeen.

Haddaba Arrimaha aya ka dhigaysa beelaha ciise mid ay kaga duwanyihiin dhamaanba somalida kale, isla markana mujinaysa sida ay uga talo iyo tolfiiq wanagsanyihiin bulshada kale ee somaliyeed ee ku nool geeska afrika.

Isku soo wada duubo qodobadan iyo kuwo kale oo badan oo ah xaqiiqo jirta aya dalka jabuti iyo dadkiisaba ka dhigaya mucjisada kowaad ee wadamada geeska africa , sida awadeedna dalkan iyo dadkan u saamaxay inay ka soo dhexbaxaan dhamaamba dhibaatoyinkii ka dhacay wadamada geeska afrika ee nocwalba laha.

Ugu danbeyn dalka jabuti iyo dadkiisuba tan iyo intii ay xoriyada qaateen , waxay ku sii socdeen horumarkan baladhan ee manta ka muuqda kagana duwanyihiin dalalka kale ee geeska afrika.

Allah ha u siyaadiyo walaalheen Hormarka kala gedisan ee ay ku talabsadeen dal ahaan iyo dad ahaan,
Waxana huba.ah in dalkani si mucjiso ah kaga soo dabashay waayihii qalafsana iyo isbedeladii ka dhacayay inta badan wadamada geeska afrika kuwas oo dhamanba xuduud la laha dalka jabuuti samayn togana ku laha dalkan iyo dadkiisaba.

Run ahaantii waxay dalka jabuuti waxa uu mudanyahay in waxbadan ay kaga daydaan wadamada geeska africa , haday tahay dhanka siyaasada, horumarka iyo dhaqankaba.

Wa bilaahi tawfiiq.

Ali Hasan Awale.

Hargeysa Somaliland.

.

COMMENTS
Latest News