Burconews.net
MAXAA U QAB SOOMAY MUDADII UU JOOGAY WASIIRKA GANACSIGA SOOMAALIYA XAYIR MAAREEYE?
February 28, 2019 - Written by ceerigaabo news

Laba Sano Oo Ay Jirtay Dowlada Uu Hogaamiyo Madaxweyne Mahamed Abdillahi Farmaajo Waxaa Xooga La Saaray Dhismaha Iyo Tayeynta Wasaaradaha Dalka.

Wasaaradda Kasta Waxa U Cugan Ama Loo Doortay Masuuliyiin Uu Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Ku Tebaayo Dhaqaajinta Iyo Ka Shaqyasiinteeda. Wasaarada Ganacsiga Iyo Warashaduhuna Waa Wasaraddaha Doorka Muuqda Ka Ciyaaraya Horumarka Laba Sano Ee Xukumada Nabad Iyo Nolol.

Mudanaha Manjaraha U Haya Wasaarada Ganacsiga Maxamed Abdi Xayir Maareye Waxa Uu Sameyey Mudadii Koobnayd Ee Xilka Wasaradan Hayey Dedaalo Ku Ab-Isran Horumarada La Tisqaadaya Libidha Ee Xukuumada Uu Gadhwadeenka Ka Yahay Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Iyo Raysal Wasaare Xasan Cali Khayre.

30 Sanadood Ka Dib Wixii ka Danbeyey Dagaaladii Halakayey Somaliya Waxa Jira Dedaalo Dib Loogu Soo Noolaynaayo Cisigii iyo Sharaftii Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliya Lahaa.

Waxna Xukuumadu GGeed Dheer Iyo Mid Gaabanba U Fuushey Ka Shaqaysiinta Wasaarada Shaqada Iyo Shuqulka Ku Leh Arrimaha Ganacsiga.

Wasiir Maareeye Waxa Uu Shukaanta U Qabtay Wasaarada Laga Doonayo Soo Noolaynta Ganacsiga Iyo Maalgashiga Somaliya.

Maxamed Abdi Xayir Maareeye Xiliga Raysal Wasaare Khayre U Soo Cugtay Wasaarada Ganacsiga Iyo Warshadaha Somalia Waxa Uu Uu U Guntadey Islmarkana Bilaabay Dedaalo Iyo Heshiiso Soo Noolaya Karaamada Ganacsiga Ee Somaliya Waxna Uu Heshiiyo Calaami Ah La Galay Shirkado Dalka Dibbadiisa Laga Leeyahay Iyo Sidoo Kalena Waxa Uu Ka Qayb Galay Shirka Ganacsiga Dalka Turkey-ga Ee Turkish Business forum Kaas Oo Lagu Qabtay Magaalada ISTANBUL Ee Dalka Turkey Waxana Shirkaas Ka Qayb Ahaa In Ka Badan 100 Shirkadood Iyo Company Caalami Ah Kuwaas Maal-gaashiyo Iyo Heshiisyo La Galay Wasaarada Ganacsiga Iyo Warashadaha Kadib Markii Wasiir Maareye Iyo Masuuliyiinta La Socday Ay U Soo Bandhigeen Khayraadka Ku Duugan Dalka Hooyo.

Waxna Shirka Shir Gudoominayey Wasiirka Maxamed Xayir Maareeye Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya Waxaa Ku Wehelinayey Shirkaasi Wafuud Ka Kala Socotay Dowlad Goboleedyada Xubnaha Ka Ah Federaalka Iyo Rugaha Ganacsi Ee Dalka Kajira Iyadoo La Isdhaafsaday Argti Ku Aadan Sida La Iskala Kaashan Karo Horumarinta Ganacsiga Ee Labada Dal.

Sidoo Kale Sanad Gudihii Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Somaliya Waxay Bilowday Heshiisyo Is Dhaafsiga Badeecadaha Iyo Isku Dheeli Tirkooda Dalal Ay Ka Mid Yihiin Masar, Kenya, kuwait, Ethiopia, Turkey, South Sudan, Finland, Italy, China Iyo Dalal kale Oo Tiro Beel Ah Waxana Hal-Beega Lagu Cabiro Ganacsiga Somalia Uu Noqdey Mid Ay Ku Qanceen Ganacstada Dalku Islmarkaana Ay Mahadiyeen Maamulka Iyo Masuulka Wasarada Ganacsiga Iyo Warshada Somalia Wasiir Mahamed Abdi Hayir Maareeye.

26.11.2018 Waxa Magaalada Narobia Ee Dalka Kenya Lagu Qabtay Shir Muddo Sadex Maalmood Ah Socday Kaas Oo Lagaga Hadlayey Horumarinta Dhaqaalaha Badaha, Gaar Ahaan Dhinacyada La Xiriira Maalgashiga, Sare U Qaadista Fursadaha Shaqo Ee Dhallinyarada, Yareynta Saboolnimada, Horumarinta, Tiknaloojiyadda Kalluumaysiga, Badbaadada Iyo ilaalinta Hannaanka Caalamiga Ahh Ee Marinnada Badda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya Ayaa Shirkan Ku Soo Bandhigaysey Qorsheheeda La Xiriira Maalgashiga Casriyeynta Dekadaha, Kobcinta Dalxiiska Iyo Kaabeyaasha Dhaqaalaha Ee Magaalooyin Xeebeedka. Maadaama Soomaaliya Ay Leedahay Xeebta Ugu Dheer Qaaradda Afrika.

Sidoo Kale Waxa Iyaduna Dedaalo Muqaada ah Oo Aan Indhaha Laga Qarsan karin Horumarka Ganacsi Iyo Heshiis-yada Tiro Beelka Ah Ee Dib Loogu Habaynaayo Hanankii Ganacsi Ee Somaliya Oo Wasaaradda Ganacsiga Iyo Wershaduhu Wado.

Ismalaha Waqtiga Uu Hayey Xilka Wasiirimo Iyo Waxqabadka Aan Idhaha Laga Qarsankarin Ee Qabtay Wasiir Mahamed abdi Hayir Maareeye Aynu Soo Qaadano Is Dhexgalka Ganacsiga Somalia Iyo Somaliland Oo Hore U Ahaa Mid Halbeega Lagu Cabiro Ganacsigu Uu Yahay 10% Hadase Uu Kor Usoo Qaaday Garaafka Ganacsiga Somalia Iyo Somaliland Oo Ganacsatada Labadan Dagal Ay Si Toos Ah Isu Weydaarsan Doonan Noocyada Badeecadaha Kala Duwan Ee Ay Soo Saaran.

Wejigii Kowaadna Ay Si Toos Ah Uga Dagtay Magalada Dekeda Boosaaso Oo Ah Waxsoosaarka Ay Soo Saartay Shirkada Magalada Burco Ee Ileys.

Wasaaradda Uu Hogaaminayo Wasiir Maxamed Xayir Maareye waa mid Door Cad Ku Leh Horumarka Ka Hana Qaaday Somaliya Ee Labadii Sano Ee Xukuumada Nabad Iyo Nolol.

Qoradanina Waxay Ku Eeg Waxqabadkii Kowaad Ee Wasaarada ganacsiga soomaaliya ee Uu Wadada Saxda Kuwado Wasiir Mahamed Abdi Hayir Maareeye Weli Se Fari kama Qodna Waxqabadka Wasiir Maareeye Lasoco Qormada Labaad Ee Wasarada Ganacsiga Iyo Wershadaha Xukumada Fedaraalka Somalia.

Zir Axmeddaahir Nuux Nasabka

Nuuxnasabka408@gmail.com

COMMENTS
Latest News