Farmaajo Iyo Geelle Oo ku kulmay Muqdisho,Maxayse Ka Wado Hadleen? | Burconews
Burconews.net
Farmaajo Iyo Geelle Oo ku kulmay Muqdisho,Maxayse Ka Wado Hadleen?
March 16, 2019 - Written by Salaxley Saxlay

(Burconews)- Farmaajo Iyo Geelle Oo ku kulmay Muqdisho,Maxayse Ka Wado Hadleen?

Kulanka labada Madaxweyne

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ay wehliyaan golahooda wasiirrada ayaa kulan laba geesood ah ku qaatay xaruunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Waxayna labada hoggaamiye ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada waddan ee la xiriira dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Kulanka Villa Soomaaliya

Madaxweyne Maxamed C/llaahi farmaajo oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay “kulankan inuu yahay kulan taariikhi ah oo ka tarjumayo xiriirka labada dal iyo labada dad ee walaalaha ah.”

“Waana inaan xoojinnaa iskaashiga dhaqaalaha iyo wax wada qabsiga, arrinta ugu muhiimsanna ay tahay arrinta Amniga ee la dagaallanka qolooyinka argagixisada ah” ayuu yiri.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu mahad gaar ah uu u soo jeediyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle sida uu u hggaamiyo hoggaaminta la dagaallanka argagixisada.

Wafdiga Jabuuti uu hoggaaminayo Madaxweyne Geelle

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu dhankiisa ka sheegay “inuu farriin walaaltinimo, hambalya iyo dhiirragelinba uu ka wado shacabka reer Jabuuti .”

“Dadweynaheennana waxay jecel yihiin inaan iskaashiga sii biirinno, dhib iyo dheefba inaan isku duubnaanno, annaguna had iyo jeer wehel Ayaan idiin nahay” ayuuna sii raaciyey madaxweyne Geelle.

Labada Madaxweyne Xilli ay Villa Somalia sii galayeen

Wafdiga sare uu hoggaaminayo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo booqasho laba maalmood ah ku joogi doona dalka Soomaaliya waxaa la filayaa iney xarigga ka jari doonaan dhismaha cusub ee safaaradda Jabuuti oo Muqdisho laga dhisay.

Waxayna la kulmi doonaan ciidamada nabad ilaalinta ee ka tirsan AMISOM oo ka socda Jamhuuriyadda Jabuuti ee loo yaqaanno ‘Hiil Walaal’.

Waxaana Fannaaniintaasi caanka ah ka mid ahaa Xasan Aadan Samatar iyo Axmed Cali Cigaal oo uu wehliyo fannaanka Cawaale Aadan iyaga oo si weyn loo soo dhaweeyey.

Amniga magaalada Muqdishana si weyn ayaa loo adkeeyey wixi ka dambeeyey imaashaha Wafdiga saree e ka socda jabuuti uu hoggaaminayo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle..

COMMENTS
Latest News