Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo cambaareeyay dilkii darawalkii mooto bajaajka, kuna baaqay… | Burconews
Burconews.net
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo cambaareeyay dilkii darawalkii mooto bajaajka, kuna baaqay…
April 13, 2019 - Written by Admin

Burconews.net:-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa si kulul u cambaareeyay dilkii loo geystay darawalkii mooto bajaajka ahaa iyo nin la saarnaa oo saaka Askari ka tirsan ciidanka Booliska uu ku dilay agagaarka Isgoyska Howl-wadaag.

“Waxaan cambaareyneynaa dilka loo geystay darawalkii Bajaajka iyo shaqsigii la saarnaa, Booliiska baa ku raadjooga askarigii dilka geystay”ayuu yiri Guddoomiye Yariisow.

Guddoomiye Yariisow ayaa ugu baaqay dhalinyarada mooto bajaajleyda inay ilaaliyaan nidaamka oo aanay ku soo dhex dhuuman dadka rabshadaha wada.

“Fadlan dhalinyarada Bajaajleyda ha illaaliyaan nidaamka oo dadka ku dhexdhuumanaya ee rabshadaha wada ha iska fogeeyaan, Si nabad ah aan shucuurteena u muujino, Waxaan u tacsiyadeynayaa qoyskii ay ka geeriyoodeen labada marxuum”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Banaan bax rabshado wata oo ay dhigayaan dhalinyarada mooto bajaajta ayaa ka socda wadada Wadnaha, waxaana hakad galay isu socodka dadka iyo ganacsi, waxaana wadada lagu gubay taayaro.

COMMENTS
Latest News