Burconews.net
Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo ka hadlay dilka loo geystay Bajaajlaha
April 13, 2019 - Written by Admin
Burconews.net:-Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow), gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dhacdo saaka askari ka tirsan Booliska Soomaaliya uu dil ugu geystay mid kamid ah dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta.
 
Gudoomiyaha ayaa sheegay in uu cambaareeynayo dilka loo geystay darawalkii Bajaajta iyo shaqsigiii la saarnaa, wuxuuna xusay in lagu raad joogo askariga dilka geeystay.
 
Gudoomiyaha ayaa dhinaca kale kula dardaarmay dhalinyarada Mooto Bajaajta ku shaqeysata in ay ilaaliyaan nidaamka.
 
“Fadlan dhalinyarada Bajaajleyda ha illaaliyaan nidaamka oo dadka ku dhex dhuumanaya ee rabshadaha wada ha iska fogeeyaan, si nabad ah aan shucuurteenna u muujinno,” ayuu gudoomiyuhu hadalkiisii raaciyay.
 
Ugu danbeyntii gudoomiyaha ayaa tacsi u diray ehellada uu ka baxeen labada marxuum eek u geeriyooday rasaastii uu ku furay askari ka tirsan Booliska.
 
Dhinaca kale, Dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta ee dibadbaxayada ka dhigaya isgoyska Howlwadaag oo ah halka uu dilku ka dhacay ayaa diiday in la qaado meydadka marxuumiinta saaka uu toogtay askariga ka tirsan Booliska, ayagoo xusay in meydka halkiisa yaalli doono inta cadaalladda laga horkeenayo askariga dilka geystay.

COMMENTS
Latest News