Burconews.net
Hoggaamiyihii Afgambiga Sudan oo is casilay
April 13, 2019 - Written by Admin

Burconews.net:-Madaxa golaha milateriga ee Suudan ayaa xilka banneeyay maalin un kaddib markii uu hogaamiyay afgambi xilka loogaga tuuray madaxweynihii mudada dheer dalkaas maamuli jiray ee Cumar Xasan al-Bashiir.

Wasiirka Gaashaandhigga Cawad ibnu Cowf ayaa go’aankiisa waxa uu kaga dhawaaqay taleefishinka Qaranka, waxaa uuna xilka ku wareejiyay Cabdulfataax Burhaan oo ah hogaamiye kale oo milateri.

Arrintan ayaa waxa ay imanaysaa kaddib markii dibadbaxayaashu ay diideen in ay isaga tagaan waddooyinka iyagoo sheegay in hogaamiyayaasha afgambigu ay aad ugu dhaw yihiin Mr Bashiir.

Milateriga ayaa waxaa uu ku adkaystay in uusan doonayn in uu awoodda la wareego, mustaqbalka Suudaanna ay go’aan ka gaari doonaan dibadbaxayaasha.

Xil ka tuurista Mr Bashiir ayaa timid kaddib bilooyin ay socdeen deganaanshiyo la’aan bilowday bishii Diseembar kuwaas oo ka kacay sicirka oo sare u kacay. Ugu yaraan 38 qof ayaa la dilay intii ay dibadbaxyadu socdeen.

Mr Ibnu Cowf ayaa madax u ahaa sirdoonka milateriga intii ay socotay colaadda Darfur. Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay ninkaasi 2007.

COMMENTS
Latest News