Mudaneyaasha Baarlamanka oo ka doodi doona Amniga dalka | Burconews
Burconews.net
Mudaneyaasha Baarlamanka oo ka doodi doona Amniga dalka
April 13, 2019 - Written by Admin
Burcoewsnet:-Mudaneyaasha golaha shacabka dalka ayaa lagu wadaa in ay maanta ka doodaan xaaladda amniga dalka, ayadoo kulankan uu yahay mid mudaneyaashu ay dhexdooda doodi doonaan.
 
Todobaadkii aynu soo dhaafnay horaantiisii ayuu baaqday kulan ay mudaneyaashu su’aalo ku weeydiin lahaayeen hay’adda amniga dalka, kadib markii uu buuq hareeyay fadhigii golaha taasoo ka danbeeyay markii la faray warbaahintu in ay dibadjoog ka ahaato kulanka.
 
Kulanka maanta ayaa la filayaa in warbaahintu goobjoog ahaato, ayadoo mudaneyaashu ay dhexdooda ka doodi doonaan amniga, waxaana la filayaa in maalinta berito ah loo yeeri doono madaxda hay’adaha amniga dalka si wax looga weeydiiyo xaaladaha ammaanka dalka.
 

Madaxda ugu sareeysa ee dowladda, gaar ahaan hay’adaha ka shaqeeya amniga ayaa mudooyinkii u danbeeyay wajahayay eedeeymo ay u jeedinayaan masuuliyiinta mucaaradka dowladda iyo qaar kamid ah shacabka oo ku eedeeynayay in ay gabeen kaalintoodii sugidda ammaanka dalka.

COMMENTS
Latest News