Wiil ku shaqeysta Mooto Bajaaj oo lagu dilay Muqdisho | Burconews
Burconews.net
Wiil ku shaqeysta Mooto Bajaaj oo lagu dilay Muqdisho
April 13, 2019 - Written by Admin
Burconews.net:-Askari ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya ee ku sugan isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho ayaa toogasho ku dilay mid kamid ah dhalinyarada ku shaqeysata bajaajta ee magaalada Muqdisho.
 
Sida ay HOL u xaqiijiyeen dad ka agdhawaad goobta uu shilku ka dhacay, waxa uu muran dhexmaray ninka Bajaajlaha ah iyo askari ka tirsan Booliska, ayadoo markii danbe la sheegay in askarigu xabad ku dhuftay bajaajlaha taasoo uu sababsaday.
 
Ma jiraan masuuliyiin ka tirsan Booliska Soomaaliya oo arrintan ka hadlay, ayadoo dilalka loo geeysanayo wadeyaasha Mooto bajaajta ay mudooyinkii u danbeeyay ahaayeen kuwo soo badanaya.
 
Horaantii sanadkan ayay ahayd markii sidan oo kale askari ka tirsan ciidamada dowladda uu toogasho ku dilay wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeynsan jiray gaadiidka Mooto-bajaajta.

COMMENTS
Latest News