Burconews.net
Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Ay Everton Xasuuqday Man United – Kumaa Ahaa Xiddiga Garoonka, Waase Kuwee Xiddigihii Fashilmay?
April 22, 2019 - Written by ilyas haruun

Burconews:- Bishii malabka ee tababare Ole Gunnar Solskjaer si rasmi ah ayay u soo dhamaatay ka dib markii ay maanta guuldarro culus oo 4-0 ah ay ka soo gaartay kooxda Everton oo marti loogu ahaa Goodison Park.

Waana kulankii shanaad ee isku xigta ee iyagoo marti ah laga badiyo Manchester United tartamada oo dhan, waana markii ugu horeysay horyaalka Premier League ee Man United laga dhaliyo gool taasoo soo bandhigeysa sida daafacooda uu u liito.

United ayaa halis weyn gelisay rajadii ay ka qabtay u soo bixitaankeeda Champions League ee xilli ciyaareedka danbe.

XIDDIGA GAROONKA

Gylfi Sigurdsson. Isaga ama Lucas Digne ayaa u qalmay maanta abaalmarinta xiddiga garoonka, laakiin Sigurdsoon waxa uu dhaliyay gool waxaana uu sameeyay caawin halka uu sidoo kale abuuray fursadihii ugu badnaa ee ciyaartii Goodison Park. Goolkiisii uu shabaqa ka soo toogtay meel 30 mitir u jirta goolka ayaa ahaa midkii dilay rajada United.

XIDDIGAHA FASHILMAY

Midkoona xiddigaha Man United ee maanta garoonka soo galay uma qalmo amaan laakiin waxaa jira xiddigo aad u liitay una sabab ahaa in Everton ay ciyaarta iska maamulato waxaa ka mid ah Dalot, Nemanja Matic, Paul Pogba iyo Lukaku.

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA

Everton: Pickford 6, Coleman 6, Keane 7, Zouma 7, Digne 9; Gueye 8, Schneiderlin 7; Richarlison 8, Sigurdsson 9, Bernard 7; Calvert-Lewin 8…

Bedel: Jagielka N/A, Walcott 7, McCarthy 6,

Manchester United: De Gea 4; Lindelof 4, Jones 4, Smalling 5, Dalot 3; Matic 3, Fred 4, Pogba 3; Rashford 5, Martial 4; Lukaku 3…

Bedel: Pereira 5, Young 5, McTominay 5.

Fekerkaaga Warbixintaan Halkaan Inoogu Reeb

COMMENTS
Latest News