Burconews.net
ToosTOOSMilitariga Suudaan oo digniin ka soo saaray xaaladda dalkaas
April 22, 2019 - Written by ilyas haruun

Burconews:- Dibadbaxyada ayaa weli ka socdaa SuudaanImage caption: Dibadbaxyada ayaa weli ka socdaa Suudaan

Dowladda uu militariga hoggaamiyo ee Suudaan ayaa digniin u dirtay dadka dibadbaxaya oo ah inay jidgooyooyinka ka qaadaan waddooyinka caasimadda Khartuum xilli ay dibadbaxyo halkaasi ka dhigayaan.

 

Militariga waxay shacabka u sheegeen inay baneeyaan waddooyinka si xaaladda amniga magaalada loogu soo celiyo.

 

Madaxa golaha militariga Suudaan, Janaraal Fattax Cabdiraxmaan Burhaan ayaa sheegay in dhibaatada dibadbaxyada aanan lagu sii jiri karin.

 

Dibadbaxyaasha ayaa ku sugan afaafka hore saldhigga militariga ee Khartuum, waxay codsanayaan in xukunka lagu wareejiyo dowlad rayid ah.

 

Axaddii, hoggaamiyeyaasha dadka bannaanbaxa wada waxay sheegeen inay hakiyeen kulan ay la yeelan rabeen militariga si looga wada hadlo helidda dowlad rayid ah.

 

Waxay ku eedeeyeen in maamulka ay weli ka tirsan yihiin dad horey uga tirsanaa dowladdii u hoggaamin jiray Cumar Al Bashiir.

 

Militariga waxay sheegeen inay ka go’antahay sidii xukunka ay ugu wareejin lahaayeen dowlad rayid ah isla markaasna waxay ku adkeysteen inay mas’uuliyadooda tahay sugidda xaaladda amniga dalka.

COMMENTS
Latest News