Burconews.net
Virgil van Dijk Oo Raheem Sterling Ku Garaacay Xiddiga Ugu Fiican Horyaalka Premier League Iyo Liiska 50-ka Ciyaartoy Ee Ugu Wanaagsan Oo Lagu Dhawaaqay
April 23, 2019 - Written by ilyas haruun

Burconews:- Xili ciyaareedka horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa dhamaanaya, waxaana ka hadhsan in ka yar afar kulan.

 

 

 

Xilli hore waxa laga go’aamiyey laba ka mid ah kooxaha dib ugu laaban doona heerka labaad, laakiin kooxda saddexaad ayaa wali aan caddaanin. Huddersfield Town ayaa waqti horeba ku talo-gashay inay heerka labaad ka ciyaarto xili ciyaareedka soo socda, laba toddobaad ka horna waxa ka daba tagtay Fulham, laakiin Cardiff City ayaa mucjiso u baahan si ay uga sii mid  ahaato kooxaha horyaalka Premier League.

 

Horyaalnimada, wali waxa kala laallaada Liverpool iyo Manchester City oo marba mid qabanayso, laakiin ciyaarta Jimcaha ay City ugu tegayso Man United ayaa si buuxda u caddayn doonta kooxda hoggaanka sida rasmiga ah ugu fadhiyi doonta ee ugu dambayna ay u badan tahay inay horyaalka sannadkan ku guuleysanayso.

 

Man City ayaa laba dhibcood ka dambaysa Liverpool, laakiin waxay haysataa hal ciyaar oo baaqi ah oo ay Arbacada la ciyaarayso Manchester United oo waqtigu ku adag yahay, haddii ay soo badiso, waxay si buuxda ugu fadhiisan doontaa kursiga hoggaaminta, laakiin haddii laga adkaado Liverpool ayaa saddex ciyaarood kaddib u dabbaal-degi doonta horyaalkeedii ugu horreeyey ee Premier League muddo soddon sannadood ah.

 

Marka laga yimaaddo horyaalka iyo koobka loo hirdamayo, waxa kale oo barbar-socda abaal-marinta laacibka ugu wanaagsan xili ciyaareedka iyo sidoo kale abaal-marinta gool-dhalinta ee kabta dahabka ah.

 

 

 

Haddaba wargeyska Marca ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa iskii ugu dhawaaqay xiddiga sannadkan ugu fiican horyaalka Premier League ee u qalma abaal-marinta sannadka, waxaana uu u doortay difaaca Liverpool ee Virgil van Dijk oo ku garaacay qiimaynta weeraryahanka Manchester City ee Raheem Sterling oo kaalinta labaad galay.

 

Kaalmaha saddexaad, afraad iyo shanaad waxa galay Bernardo Silva, Sergio Aguero iyo Sadio Mane, halka uu Eden Hazard kaalinta lixaad ka galay.

 

Wargeyska Marca waxa kale oo uu soo saaray liiska 50-ka ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa xili ciyaareedkan oo ay ka dhex muuqdaan laacibiin kooxo badan ka tirsan.

COMMENTS
Latest News