Burconews.net
Kim Jong-un oo gaaray Ruushka
April 24, 2019 - Written by ilyas haruun

Kim Jong-un markii uu gaaray magaalada Vladivostok, wuxuu salaan sharaf ka qaatay ciidammada RuushkaImage caption: Kim Jong-un markii uu gaaray magaalada Vladivostok, wuxuu salaan sharaf ka qaatay ciidammada Ruushka

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi,Kim Jong-un ayaa gaaray dalka Ruushka si uu kulan ula qaato madaxweyne Vladimir Putin.

 

Kim Jong-un ayaa gaaray magaalo xeebeedka Vladivostok oo markii ugu horreysay wadahadallo uga furmay isaga iyo dhiggiisa Ruushka.

 

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi waxaa lagu soo dhaweeyay cuntada hiddaha iyo dhaqanka u ah dallkaasi.

 

Aqalka looga taliyo Ruushka ee Krimlinka ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay ka wada hadli doonaan arrimaha Nukliyerka ee Gacanka Kuuriya.

 

Burconews:- Dadka ka faalooda arrimaha gobolka waxay sheegayaan in Kim Jong-un uu taageero u raadsaday madxweynaha Ruushka kaddib markii uu burburay kulankii uu la yeelanayay Donald Trump.

 

Trump iyo Kim ayaa horraantii sannadkan ku kulmay magaalada Hanoi si ay uga wada hadlaan barnaamijka Nukliyerka ee Kuuriyada Waqooyi kaas oo ku dhamaaday guuldarro.

COMMENTS
Latest News