Burconews.net
YAAB! Hadda Wixii Ka Dambeeye Jaamacadda Waxaad Ku Dhigan Doontaa Lionel Messi, Waxaanad Ku Helaysaa Saddex Shaado Oo Kala Duwan
April 24, 2019 - Written by ilyas haruun

Burconews:- Shaki kuma jiro in Lionel Messi uu ka mid yahay xiddigihii ugu wanaagsanaa ee abid dunida soo maray, laakiin dood ayaa ka timaadda inuu yahay kan ugu fiican ee abid kubbad ciyaaray.

 

 

 

Dadka doodaha gorgeeya, labada qof ayay ka sarraysiiyaan oo ah Pele iyo Maradona, laakiin kuwo kale ayaa iyaguna tilmaama in aanay jirin cid kubbad soo ciyaartay oo lala simi karo Messi, halka dood kalena sheegayso in meeqaamkiisa uu kusoo dhow yahay Cristiano Ronaldo oo laakiin aan lasoo gaadhsiinin heerka ah inuu ka fiican yahay Pele iyo Maradona.

 

Sidaas oo ay tahay, da’diisa ayaa maraysa 31 sannadood, muddo kaddibna waxa  uu ka bixi doonaa garoomada oo uu ka duqoobi doonaa, laakiin xusuustiisu kuma koobnaan doonto garoomada iyo taallooyinka looga sameeyey magaalada Barcelona, hase yeeshee waxa jiilasha dambe ay warkiisa ka heli doonaan macalimiintooda waxbarashada.

 

Marka uu ardaygu marayo heerka jaamacadda, waxa uu heli kari doonaa doorasho waxbarasho oo la mid ah maadooyinka caadiga ah oo ku saabsan Lionel Messi oo uu si gaar ah ugu takhasusi karo macluumaadkiisii, waxaana ugu dambayn uu ku qaadan doonaa shahaadada koowaad ee Jaamacadda.

 

Toddobaadkan, ayaa waxa lagaga dhawaaqay dalka Spain in Jaamacadda Universidad Internacional de Cataluna (UIC) inay dhigi doonto duruus ku saabsan Lionel Messi oo saddex nooc ka kooban, taas oo arday kastaa uu dooran karo nooca uu uga baahan yahay inuu ka ogaado Lionel Messi.

COMMENTS
Latest News