Burconews.net
Alexis Sanchez Oo Hal Taabasho Ku Helay 75,000 Kun Oo Pound – 16-Daqiiqo Uu Garoonka Ku Jiray Kulankii Manchester Derby.
April 25, 2019 - Written by ilyas haruun

Burconews.net:- Weeraryahanka Manchester United Alexis Sanchez ayaa jeebka ku shubtay lacag dhan 75,000 kun oo Pound (gunno ah), hal taabasho uu sameeyay 16-kii daqiiqo uu ku jiray kulankii Manchester Derby ee xalay.

 

 

 

Xiddiga reer Chile ayaa soo galay qeybahii dambe kulankii xalay iyadoo natiijada ay tahay 2-0, qof walbana wuxuu ka filayay inuu saameyn ciyaarta ku yeelan doono balse kaliya hal taabasho ayuu sameeyay xiddiga ugu mushaarka badan Premier League.

 

Sanchez oo isbuucii qaata 400,000 kun oo Pound ayaa soo galay daqiiqadii 78-aad, balse hal jeer ayuu ku taabtay diilinta kooxdiisa kubadda sida ay daabaceen lagu qoray twitter-ka ay leeyahiin qaar ka mid ah jamaahiirta Red Devils kuwaas oo xiganayay [Opta].

 

Jamaahiirta ayaa ku digtay, waxeyna ogsoon yahiin in xiddigaan uu hal tabasho ku helay lacag badan, waa sida ay u muuqatay xanta markii uu kasoo dhaqaaqayay Arsenal

 

Wakiilkiisa Fernando Felicevich ayaa ku warramay in heshiiska lagu daray shuruud ah inuu qaato lacag dhan 75,000 kun oo Pound mar walba uu garoonka soo galo kulamada horyaalka iyo sidoo kale Champions League – xitaa hadii uu kursiga soo fariisto.

 

 

 

Sida ay sheegayaan warbixinada ka imaanaya Ingiriiska, Alexis Sanchez iyo Marcos Rojo ayaa ku jira liiska xiddigaha laga diri doono Old Trafford, 30-jirka reer Chile ayaan ku najixin kooxda tan iyo markii uu yimid January 2018.

COMMENTS
Latest News