Burconews.net
Muxuu Tababare Unai Emery Ka Yidhi Guuldarradii Xalay Kasoo Gaadhay Kooxda Wolves? Miyuu Haatan Aaminay In Rajadooda Afarta Sarre Ee Premier League Ay Soo Dhammaatay?
April 25, 2019 - Written by ilyas haruun

Burconews.net:- Tababaraha kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa ka hadlay guuldarradii xanuunka badnayd ee xalay kasoo gaadhay kooxda xilli ciyaareedkan wacdaraha dhigaysa ee Wolves taas oo 3-1 ku khaarajisay kulan ka tirsan Premier League.

 

 

 

Kooxda tababare Nuno Espirito Santo ayaa saddexda gool ee ay dhalisay dhammaantood qaybtii hore ee kulanka ka heshay Ruben Neves, Matt Doherty iyo Diogo Jota  halka goolka madiga ah ee Gunners uu qaybtii dambe soo celiyay daafaca Sokratis Papastathopoulos.

 

Guuldaradaas ayaa Arsenal ka dhigaysa mid baaqi kusii ah kaalinta shanaad ee kala sarreynta PL iyaga oo hal dhibic ka dambeeya kooxda booska afraad ee Chelsea.

 

Haddaba, Iyadoo ay xaaladu halkaas marayso ayuu tababare Unai Emery diiday inuu ka rajo dhigo ku dhammaysiga kooxdiisa ee kaalmaha saddexaad iyo afraad isaga oo sheegay inay samayn karaan wali soo kabasho ay kaalmahaas ku galaan.

 

Unai ayaa yidhi “Waanu niyad jabsanahay laakiin waxaanu u baahanahay inaanu xasuusano sidii aanu ahayn saddex bilood kahor, Waxaanu noqon karnaa kuwo niyad wanaagsan oo usoo kabta afarta sarre”

 

 

 

“Waanu ogayn kulanka kahor inay adkaanayso sababtoo ah dhammaan xilli ciyaareedka Wolves waxay dareemaysaa awood, Daafac ahaan waa koox fiican weerar ahaana waxay haystaan ciyaartoy aad u dheereeya, Ururkoodu waxa uu ahaa mid aad u wanaagsan in la jabiyo midana waxay ahayd mid adag”

 

“25-kii daqiiqo ee ugu horreeyay waxaanu ku bilaabanay si aad u wanaagsan, Waxaanu xakamaynay kulanka laakiin maanu haysan fursado badan oo aanu dhalino”

 

Kooxda xigta ee ay Arsenal la ciyaarayso ayaa ah Leicester City oo ay ku booqanayso King Power Stadium toddobaadkan oo noqonaya midkii 36-aad ee horyaalka.

COMMENTS
Latest News