Burconews.net
YAAB: Sidee Ayuu Eden Hazard Ugu Yaraan Kusoo Gali Waayay Shaxda Xilli Ciyaareedka? Halkan Ka Akhriso Xogta Hazard Ee Muujinaysa Sida Loogu Fashilmay In Qaabkii Ugu Wacnaa Loosoo Xulo TOTY.
April 25, 2019 - Written by ilyas haruun

Burconew.net:- Maamulka horyaalka Premier League ayaa maanya si rasmi ah u shaaciyay shaxda xilli ciyaareedkan 2018-2019 ee horyaalka Premier League waxaana shaxdaasi lagu sifeeyay mid yeelatay gal-daloolooyin iyo boosaska qaar oo aan loo bogin.

 

 

 

Mid kamid ah waxyaabaha layaabka leh ee shaxdaas ayaa ah in uu ka maqan yahay garabka kooxda Chelsea ee Eden Hazard kaas oo la filayay in markii hore xogtiisa xilli ciyaareedku ay ka caawin doonto soo galista shaxdan balse aan lasoo qaadan.

 

Waa Sidee Xogta Eden Hazard Ee Xilli Ciyaareedkan Mase Tahay Mid Ugu Filnaan Lahayd Soo Galista Shaxda Xilli Ciyaareedka Ee Premier League?

 

Ugu horreynba, Hazard ayaa soo ahaa ciyaartoyga ku sugan horyaalka midka ugu gool ka qayb qaadashada badan maadaama marka goolashiisa iyo caawintiisa la isku daro ay yihiin 29 sidaasna uu kaga saamayn badan yahay ciyaartoy kale oo kasta.

 

Hazard ayaa sidoo kale soo ah ciyaartoyga golasha ugu badan soo caawiyay horyaalka waxaana uu soo sameeyay 13 gool caawimo isaga oo hoggaan ka ah halkaas.

 

 

 

Si lamid ah Hazard ayaa ah ciyaartoyga ugu fursad abuurista badnaa dhammaan 35-ka kulan ee laga soo ciyaaray horyaalka waxaana uu soo sameeyay 73 fursadood oo furan.

 

Dhinaca kale xogaha xiddigan loo diiwaan galiyay kuwooda ugu fiican ayay kamid tahay inuu yahay xiddiga inta ugu badan kusoo guuleystay abaalmarinaha xiddiga ugu fiican hal kulan waxaana sidaas loo doortay 13 kulan.

 

Sidoo kale Hazard waa ciyaartoyga dhibcaha ugu badan u shaqeeyay hal koox xilli ciyaareedkan waxaana uu Chelsea saamayntiisa oo kaliya ugu soo qaaday 23 dhibcood.

 

Ugu dambayn, 28 jirkan ayaa sidoo kale ah xiddiga horyaalka ka ciyaara ee soo sameeyay gambiska ugu badan waxaana uu soo sameeyay  122 Gambis.

COMMENTS
Latest News