Burconews.net
Hordhac: Leicester City vs Arsenal – Gunners Oo Fursaddii Ugu Dambaysay Ee Booska Afraad Maanta Haysata, Shaxaha Macquulka Ah Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey
April 28, 2019 - Written by ilyas haruun

Burconews.net:- Arsenal ayaa safar ugu tegaysa Leicester City oo ay duhurka maanta jilbaha iskugu dhigan doonaan King Power Stadium, iyadoo maanka uu tababare Unai Emery ku hayo in dhibic kasta oo uu lumiyo ciyaartan ay dhibaato ku noqon doonto hammigiisa afarta ugu sarreeya ee ka qayb-geli doona Champions League xili ciyaareedka dambe.

 

 

 

Gunners oo laba guul-darro oo isku xiga la kulantay toddobaadkii u dambeeyey ayaa waxay fadhidaa kaalinta shanaad ee kala sarraynta horyaalka Premier League, waxaanay hal dhibic ka hoosaysaa kooxda ay ku xafiiltamaan London ee Chelsea.

 

Kooxda martida loo yahay ee Leicester City oo kulankii ugu dambeeyey khasaare kula kulantay garoonkeeda kaddib markii ay 1-0 kaga adkaatay Newcastle oo soo booqatay, ayaa waxa uu tababaraheeda Brendan Rodgers wax walba u samayn doonaa sidii guul-darro labaad aanay ugu soo gaadhi lahayn garoonkooda, laakiin Emery ayaa isaguna maanka ku haya in haddii uu saddexda dhibcood waayo, inay halis geli karto fursaddii uu u haystay in kooxdiisu ay boos ku yeelato Champions League.

 

 

 

Rodgers oo shaqada ka beddelay Claude Puel waxa uu Leciester dib ugu soo celiyey jidka guulaha, lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyeyna hal mar oo kaliya ayaa laga adkaaday, afar kalena guulo ayay diiwaangashadeen halka ay kulan kalena barbar-dhac la galeen West Ham oo ay ugu tageen magaalada London.

 

Yoolka ugu weyn ee Leicester leedahay ayaa ah inay kaalinta toddobaad soo gasho, isla markaana ay ka sare marto Wolves iyo Watford, laakiin imtixaan adag ayaa ka horreeya, waxaana iskugu xiga Arsenal, Manchester City iyo Chelsea.

 

 

 

Dhinaca kale, tababare Unai Emery ayaa culays badan fuuli doonaa haddii uu guul kasoo heli waayo naadiga uu wato tababarihii hore ee Liverpool, mana heli doono fursad saddexaad oo ay siiso Chelsea oo labadii jeer ee hore ee laga badiyey Gunners iyaduna guul aan helin.

 

Marka ay Leciester City kala dhamaadaan, Arsenal waxay labada ciyaarood ee xiga la yeelan doontaa Brighton iyo Burnley, waana imtixaan sahlan, laakiin marxaladdan oo kale ma jirto koox la dhayalsan karo, taasna waxa daliil u ah in Arsenal aanay iyaduba ahayn koox damaanad u haysata inay guul helayso, sababtoo ah, lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey waxa laga adkaaday saddex jeer, saddexda kalena way guuleysteen, waxaana ka rikoodh fiican kooxda ay martida u yihiin ee Leciester City.

 

Xogta Kulanka:

 

Ciyaarta: Leciester City vs Arsenal

 

Tartanka: Premier League, usbuuca 26aad.

 

Waqtiga: 2:00PM – Saacadda Geeska Afrika

 

Garoonka: King Power Stadium

 

Wararkii ugu dambeeyey ee labada kooxood

 

Aaron Ramsey oo dhaawac ah ayaan taam usoo noqon doonin ciyaartan, waxaana la filayaa in aanu dib dambe u xidhan doonin funaanadda Arsenal oo uu Juventus uga wareegayo isagoon soo kabanin.

 

Waxa kale oo Arsenal ka maqnaanaya saddexda laacib ee Danny Welbeck, Rob Holding iyo Hector Bellerin, sidoo kalena Denis Suarez oo dhaawac gaadhay ayaan fursad u heli doonin kulankan. Laakiin waxa Gunners usoo laabanaya weeraryahanka reer Gabon ee Aubameyang oo xanuun ku seegay kulankii Wolves, waxaana suurtogal ah in Unai Emery uu kusoo wada bilaabo Lacazette.

 

Leciester City, laacibka kaliya ee ciyaartan ka maqan waa xiddigeeda Daniel Amartey, waxaana dib ugu soo laabtay Wes Morgan oo xanuun ku seegay ciyaartii ay barbarraha la galeen West Ham, kaas oo ka garab ciyaari doona Harry Maguire.

 

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:

 

 

 

Leciester City:  Schmeichel; Pereira, Morgan, Maguire, Chilwell; Tielemans, Ndidi, Maddison; Gray, Vardy, Barnes

 

Arsenal: Leno; Koscielny, Sokratis, Monreal; Maitland-Niles, Xhaka, Torreira, Kolasinac; Iwobi; Lacazette, Aubameyang

COMMENTS
Latest News