Burconews.net
Muxuu Ahaa Hadalka Dunida Qabsaday Ee Mohamed Salah Ku Yidhi Virgil van Dijk Oo Ku Guuleystay Abaal-marinta PFA?
April 29, 2019 - Written by ilyas haruun

Burconews.net:- Difaaca Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa xalay xiddignimada waddanka Ingiriiska kala wareegay Mohamed Salah, isla markaana ku garaacay Raheem Sterling oo kula tartamayey.

 

 

 

Markii abaal-marinta lagu dhawaaqay, laacibka reer Masar ee Mohamed Salah ayaa farriin uu diray ku qabsaday xafladdii iyo hadal-haynta sheekada  guusha xiddignimada, taas oo noqotay hadal-haynta ugu weyn.

 

Salah ayaa barta Twitterka farriin hambalyo ah ugu diray saaxiibkiisa ay isku kooxda yihiin ee Van Dijk ee ku guuleystay PFA, waxa uu ku koobay hambalyo kaliya, laakiin mar dambe ayaa uu bartiisa Instagram soo dhigay farriin si weyn ugu baahday dunida oo in badan la hadal hayey.

 

Farriinta hore ee uu Twitterka ku qoray ayaa waxa uu Salah ku yidhi: “Hambalyo nin-weyn. Si fiican ayaad ugu qalantaa abaal-marinta xiddiga sannadka PFA”

 

Qoraalkan waxa ka falceliyey dad badan, laakiin muu ahayn midka saamaynta badan yeeshay ee hadal-hayntiisu taagan tahay.

 

 

 

Cabbaar kaddib markii uu qoraalka hore daabacay, ayaa uu mar kale Instagram ku qoray farriin u ekayd kaftan oo dhinacna uu ku sababaynayay dhibaatada xili ciyaareedkan haysata ee goolal la’aanta iyo  bandhigga dhaliisha loogu jeediyey oo uu ku xidhiidhiyey abaal-marinta uu sannadkii hore ku guuleystay.

 

Waxa uu qoraalkiisa kale ku yidhi: “Hamblayo Van Djik. Ka taxaddar oo haku guuleysanin abaal-marinaha oo dhan sannadkan… haddii kale, waad garanaysaa waxa dhici doona sannadka dambe.”

 

 

Dad badan oo kumannaan gaadhaya ayaa daqiiqado kooban gudahood isla wadaagay, kagana falceliyey baraha bulshada.

COMMENTS
Latest News