Burconews.net
Daawo Sawirada:- Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Oo Sodcdaal Ku Tagay Deegaanka Xero-geel Oo Shacabka Kala Kulmay Wax Uuna Filayn.
May 14, 2019 - Written by Admin

Daawo Sawirada:- Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Oo Sodcdaal Ku Tagay Deegaanka Xero-geel Oo Shacabka Kala Kulmay Wax Uuna Filayn.

Wafdi balaadhan oo uu hogaaminayey madaxweymada dawlada deegaanka Soomaalida mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa goor dhaw safar ugu kicitimey degmada Awbare, halkaas oo la filayo in uu kulamo kula qaato qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan deegaankaas.

Waxaa dhawaan tuulada Xajiin ee ka tirsan degmada Awbare ka dhacdey shaqaaqo ay dad ku dhinteen arintaas ayaa waxa uu madaxweynuhu kala hadli doonaa hogaanka dhaqanka iyo madaxda deegaankaas qaar ka mid ah.
Dhinaca kale habeenkii xalay waxa uu madaxweynuhu afur ugu sameeyey madaxtooyada dawlada deegaanka Soomaalida ee magaalada Jigjiga qaar ka mid ah hogaanka dhaqanka beelaha Soomaalida, taasi oo aan sanadihii hore ahayd mid aan dhici jirin in ixtiraam iyo qadarin loo muujiyo hogaanka dhaqanka beelaaha Soomaalida.

 

COMMENTS
Latest News