Burconews.net
Ciidanka Dab-demiska Hargeysa oo ku guulaystay deminta Dab ka kacay Suuqa Gobannimo
June 7, 2019 - Written by Admin

Burconews.net:-Ciidanka Dab-demiska magaalada Hargeysa, ayaa ku guulaystay inay bakhtiiyaan Dab xalay ka kacay qayb ka mid ah Suuqa Gobannimo ee caasimadda Hargeysa, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska wararka u qaabbilsan Dab-demiska.

CIIDANKA DAB-DEMISKA HARGEYSA OO BAKHTIINAYA DAB KA KACAY SUUQA GOBANNIMO 2019

CIIDANKA DAB-DEMISKA HARGEYSA OO BAKHTIINAYA DAB KA KACAY SUUQA GOBANNIMO 2019

Dabkaas oo xalay cawaysinkii kacay, ayaa siduu ku bilaabmay iyo habkay uga hawlgaleen ee ay u demiyeen Ciidanka Dabku, waxa lagu faahfaahiyey warkan qoraalka ah oo soo gaadhay warbaahinta aftahannews.com, kaasoo u dhignaa sidatan:-

“Abbaaro 10 :25 Pm habeenimo ee xalay ayaa dab qabasaday qaybob   ka mida suuqa gobanimo ee Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Bakhaaro ku yaalla qaybo ka mida Xusbiga, kuwaasoo ay ku kaydsanayeen khudaarta noocyadeeda kala duwan.

Ciidanka Dab-demiska ayaa damiyay dabkaas, sidoo kalena ku guuleystay inuu ka xakameeyo inuu ku fido dabkaasi meheradaha kale ee ku yaalla suuqaas.

Dhanka kale waxaa iyadana ciidanku badbaadiyay hanti badan oo dhex taallay suuqa, kuwaasi oo ay lahaayeen dad danyara. Sababta dabkan dhalisay ayaa ilaa hadda la garanayn.

Ma jirin khasaare Nafeed oo ka dhashay dabkaas. Laamaha Amaanka caasimada, Maamulka Degmada iyo shirkadaha korontada ayaa iyaguna hawlgalkaa kala qayb qaatay ciidanka Dab-demiska.

Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa hawlgalkaa hogaaminayay waxaa iyaguna hawlgalka qayb ka ahaa  Taliye xigeenka ciidanka Dab-demiska Cabdixamiid Faarax Iidle, Agaasimaha Fulinta Cabdiqaadir Cumar Xaashi, Saraakiisha, Saraakiil xigeenada iyo dhamaan Ciidanka Dab-demiska Degmooyinka Caasimada Hargeysa.

Suuqa gobanimo ayaa tiraba dhawr jeer oo hore gubtay, iyadoo sannadkan ay noqonayso markii koowaad, waxaana intaba ciidanka dabdemisku ka hawlgaleen daminta dababkii ka kacay suuqaas.” sidaa ayaa lagu yidhi war qoraal ah oo naga soo gaadhay Xafiiska warbaahinta u qaabbilsan Ciidanka Dab-demiska Hargeysa. Waxaana qofkii Dab meel qabsaday guri amma meherad midkay noqotoba garaaci karaa; 990, kaas oo ah lambarka laga heli karo Gurmadka deg-degga ah ee Ciidanka Dab-damiska Hargeysa.

COMMENTS
Latest News