Burconews.net
Qadar ma u liicday labadii sano ee go’doominta lagu hayay?
June 7, 2019 - Written by Admin

Burconews.net:-Bishii June ee sannadkii 2017 waxaa dhacay arrin aysan dad badan fileyn, taas oo ahayd in saddex dal oo ka mid ah dalalka ku bohoobay Khaliijka Carabta ee hodanka ah, in ay xiriirkii dublamaasiyadeed u jareen dalka Qadar.

Sucuudiga, Imaaraatka Carabta iyo Baxrayn ayaa xiriirka diblamaasiyadeed u jaray dalka Qadar oo ka mid ah dalalka saliidda hodanka ku ah, waxayna ku eedeeyeen in Qadar ay taageerto kooxaha argagixisada.

Sidee Qadar uga dabaalatay go’doominta?

Ka hor inta aan go’doominta la saarin qadar, cunooyiinka, boqolkiiba 60%, ka soo dhoofsan jirtay wadammada go’doomiyay gaar ahaan, sidaasi daraaddeed waxa ay dowladda Qadar bilowda in ay hesho meelo kale oo ay u baxsato.

Waxay Qadar markiiba xiriir dhaw la samaysatay dalalka Iiraan iyo Turkiga.

Waxa ay sidoo kale Qadar bilowday in ay dardar-galiso wax soo saarka gudaha, waxa ayna xitaa soo dhofsatay kumannaan kun oo lo’o ah, si ay u hesho caano ku filan.

Khubarada darsa dhaqaalaha waxay shegeen in wax dhibaato ah uusan soo gaarin dhaqaalaha dalka Qadar.

Waxaa u gurmaday dalka Turkiga oo ka caawiyay sidii uusan dhaqaalaha dalkaasi u liici laheyn

Amiirka Qadar oo la fadhiya madaxweynaha Maraykanka

May guuldareysatay go’doomintii Qadar?

Labadii sano ee Qadar ay dalalka Khaliijka ku soo rogeen go’doominta waxaa gobolka ka dhacay isbadalo badan.

Dowladda Qadar ayaa labadaasi sano xoojisay xiriirka ay la leedahay dalalka kale ee aan carabta ahayn sida kuwa Yurub.

Waxay Qadar ku dadaashay in aysan go’doominta wax ugu dhimin dhaqaalaha dalkeeda.

Qaar ka mid ah khubarada gobolka ayaa sheegay in u jeedadii laga lahaa go’doominta ay guuldareysatay.

Dr Axmed Sheekh Maxamed (Axmed Tiir) oo ka faalooda arrimaha carabta ayaa rumaysan in labadii sano ee Qadar ay go’doominta ku jirtay aysan wax dhibaato ah la kumin.

“Waxaad moodaa in ay u jeedada guuldareysatay haddii Labo sano ay Qadar taagnayd oo dhaqaalaheedii waxbo uusan gaarin oo shacabkeedana uu wali is haysto oo ay suuqa kale samaysatay sida Turkiga iyo Meelo kale,” ayuu yiri Dr Axmed Tiir.

Khubarada ayaa sidoo kale rumaysan in go’doominta looga gollahaa in Qadar lagu cadaadiyo oo ay u baahato dalalka dariska la ah, balse aysan taasi dhicin.

“Haddii ay hadda arrintii la filayay ee ah in Qadar ay dhulka ku soo dhacdo ay suuragali waysay, ayna yeelatay adkeysi, waxaad moodaa in aan Qadar Jilbaha loo dhigi karin.”

Ka qaybgalkii Qadar ee Shirkii Makkah

Labo sano ka dib go’doomintii Qadar waxaa dowladda Sucuudiga lagu casuumay shirkii ay ku baaqeen 30kii bishii aanu soo dhaafnay.

Boqorka Sucuudiga, Salmaan ayaa warqad u diray dhigiisa Qadar isaga oo ku casuumay shirkaasi.

Dadka darsa arrimaha Carabta ayaa rumaysan in casuumaadii Qadar ee shirka, laga dheehan karo isu soo dhawaasho labada dhinac.

“Waxaa laga fahmi karaa (casuumaada) in cunaqabateyntii Qadar ay wax wayn tari waysay, oo hadda loo gudbi doonono hab dublamasi iyo wadahadal,” ayuu yiri Dr Axmed Tiir.

Yuusuf Garaad wasiirkii arrimaha dibadda ee xiligaasLahaanshaha sawirkaYUSUF GARAD/ FACEBOOK
Image captionYuusuf Garaad wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee xiligii khilaafka uu billaabanayay

Saamayntii khilaafka Khaliijka ee Soomaaliya

Markii uu soo ifbaxay khilaafkii khaliijka waxa markiiba uu saamayn ku yeeshay dalalka Muslimiinta iyo kuwa Carabta.

Waxaa bilaabmay in Qadar iyo dalalka kale ee go’doomiyay ay taageero raadsadaan.

Go’aanka waxaa dhexdhexaadka ka noqotay dowladda Kuwait oo labada dhinac u kala dabqaadaysay, balse waxaa jiray dowladda badan oo Islaam iyo Carab isugu jira oo la saftay Sucuudiga, xiriirkana u jaray ama hoos u dhigay Qadar.

Dowladda Soomaaliya ayaa xilligaasi la filayay in dhinac uun ay raaci doonto.

Balse taasi ma dhicin, golaha wasiirrada oo shir yeeshay 6-dii June, 2017-kii, ayaa go’aan ku gaaray in muranka Khaliijka ay dhexdhexaad ka yihiin, waxayna ku baaqeen in dalalka muransan la dhexdhexaadiyo.

Go’aankaas ma ahayn mid ay ku qanceen maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka, oo iyaga badankood si iskood ah u sheegay in ay la safteen Sucuudiga, xiriirkana u jareen Qadar.

Bilo kadib, xaaladdii muranka khaliijka ayaan cirka isku sii sharertay, gaar ahaan gudaha Soomaaliya oo hadba maamul goboleed hor leh uu qaadanayay go’aan uu kaga soo horjeedo kan dowladda dhexe.

Xukuumadda waxay ku qasbanaatay in ay dib u faagto kaydka galalkii dublamaasiyadda Soomaaliya ee soo taxnayd illaa 1960-kii iyo waliba dastuurka dalka awoodaha uu siinayo dowladda dhexe.

Si aysan ku jirin canaan iyo cambaarayn toona, kuna qotantay luuqad dublamaasiyadeed ayay golaha wasiirada u sababeeyeen go’aanka dhexdhexaadnimada.

Marka koobaad, waxaa dowlad goboleedyada la xusuusiyay qodobka 54aad ee “dastuurka KMG ah” oo dowladda dhexe siinaya awoodaha qayaxan ee ay go’aan kaga gaari karto arrimaha dibedda, difaaca, muwaadinnimada, socdaalka iyo siyaasadda lacagta.

Waxay ahayd fariin dadbadan oo maamul goboleedyada loogu sheegayo in aysan soo farogalin siyaasadda arrimaha dibedda.

Qodob kale ayay dowladda ku sababeysay go’aankeeda, waxayna sheegtay in dowladda Soomaaliya ay go’aan dhexdhexaadnimo ka qaadatay khilaafkii waddammada Carabta ay xiriirka ugu jareen dalka Masar kadib markii madaxweynihii dalkaasi Anwar Al Sadaat uu heshiis la saxiixday Israa’iil, islamarkaasna khudbad ka jeediyay baarlamaanka Israa’iil ee Knesset, muddo haatan 40 sano laga joogo.

Wasiirkii arrimaha dibadda ee Soomaaliland 2017 Dr SacadLahaanshaha sawirka.
Image captionWasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Soomaaliland 2017 Dr Sacad

Somaliland

10-kii Bishii Juunyo ee 2017-ka, jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay la safantahay Sucuudiga iyo Imaaraatka, islamarkaasna xiriirka u jartay Qadar.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland ee xilligaasi Sacad Cali Shire ayaa yiri “Somaliland iyada oo aaminsan mabaadii’da nabad ku wada noolaanshaha, iyo xasiloonida gobolka, kana soo horjeedda wax kasta oo wax u dhimmi kara nabadda iyo degenaanshaha, islamarkaasna kasoo horjeedda xagjirnimada iyo cid kasta oo taageerta, ayaa waxa ay taageertay moowqifka iyo aragtida ay ka qaateen Sucuudiga iyo Imaaraatka khilaafka siyaasiga ah ee u dhaxeeya iyaga iyo Qadar”.

Puntland

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha hore ee PuntlandLahaanshaha sawirka.
Image captionCabdiwali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha hore ee Puntland

16-kii Agoosto, 2017 war qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada maamul goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in maamulka uu xiriirka u jaray Qadar, islamarkaasna la saftay xulufada Sucuudiga iyo Imaaraatka.

Sababta ugu weyn ee loo cuskaday go’aankaas ayaa lagu sheegay in xiriir dhaqaale iyo mid iskaashi oo qoto dheer uu ka dhaxeeyo Puntland iyo dalalka Sucuudiga iyo Imaaraatka.

Puntland ayaa dowladda federaalka ugu baaqday in ay ka laabato go’aankeedii dhexdhexaadnimadda.

Koonfur Galbeed

18-kii bishii Sabtembar, 2017-ka ayaa war qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa waxaa isna lagu sheegay in xiriirka loogu jaray Qadar, laguna waafaqay moowqifka Sucuudiga iyo Imaaraatka ee Qadar.

Qoraalkan waxa uu ahaa mid faahfaahsan, waxaana lagu sheegay in shirkii madasha hoggaamiyeyaasha qaranka ee bishii Luulyo dhacay looga wada hadlay arrinka khaliijka, dowladda federaalkana ay dalbatay in wakhti la siiyo, balse markii wax war ah laga waayay, mudadiina ay dheeraatay, ayay Koonfur Galbeed sheegtay “in ay ku qasbanaatay in iskeed go’aan u gaarto”.

Waxaase qoraalka lagu bilaabay in go’aankii xukuumadda federaalka Soomaaliya ay ka gaartay muranka khaliijka 6-dii bishii Juunyo, 2017 uusan ahayn mid laga talogaliyay maamul goboleedyada.

Galmudug

20-ka bishii sabtembar 2017-ka, Galmudug ayaa noqotay maamul goboleedkii ugu dambeeyay ee la safta xulafada Sucuudiga iyo Imaaraatka.

Qoraalka oo isku si ay u qornaayeen kii kasoo baxay Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda federaalka aysan maamulka ka talogalinin go’aankii ay ka qaadatay muranka gacanka.

Balse maalin kadib ayaa war kaas ka duwan waxaa soo saaray madaxweyne ku xigeenka Galmudug waxaa lagu sheegay in go’aanka hore oo uu madaxweynaha ku saxiixnaa uusan ahayn mid ay u dhanaayeen laamaha kala duwan ee maamulka.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in Galmudug ay siyaasadda arrimaha dibedda uga dambayso dowladda federaalka sida uu qabo qodobka 54aad ee dastuurka.

COMMENTS
Latest News