Burconews.net
Rag uu ka mid yahay Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo maxkamad la soo taagay
June 7, 2019 - Written by Admin

Burconews.net:-Afar dhalinyaro ah oo uu ka mid yahay Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo ah Aqoonyahan Soomaaliyeed oo siweyn uga faalooda arrimaha siyaasada Soomaaliya iyo guud ahaanba Geeska Africa ayaa maanta ka soo hor muuqday maxkamada ku taala magaalada Nairobi.

Afarta dhalinyarrada ah oo magacyadooda lagu kala sheegay,Maxamuud Maxamed Bashiir,Cali Cabdi Maxamed, Xuseen Xasan  Maxameduud iyo  Ibraahim Qaasim Faarax oo loo yaqaan Bursaliid, ayeey maxkamadu ku eedeysay dacwado la xiriira falal argagixiso.

Ibraahim Faarax Bursaliid , Maxamuud Maxamed Bashiir, Cali Cabdi Maxamed  iyo Xuseen Xasan Muhammud ayaa waxaa xiray Ciidamada la dagaalanka  Argagixisada ee loo yaqaano ATPU.

Aqoonyahan Bursaliid  ayaa  habeenimadii Arbacadii laga xiray gurigiisa oo ku yaalla Xaafada South  C, kaddib markii ay u dhaceen Unugga Ciidamada la dagaalanka  Argagixisada ee ATPU.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ay dowladda Soomaaliya ka soo saartay tallaabadan ay ku  dhaqaaqday Dowladda Kenya,iyada oo uu weli taagan yahay khilaafkii u  dhaxeeyay labada dowladood ee salka ku haya muranka dhinaca Badda ah.

COMMENTS
Latest News