Burconews.net
Shiinaha;“Maraykanka waa Sheydaan— ee ha aadin.”
June 7, 2019 - Written by Admin

Burconews.net:-Farriintii ugu dambeysay ee dowlada Shiinaha u gudbisay shacabkeeda si aysan ugu safrin dalka Maraykanka ayaa noqotay “Maraykanka waa Sheydaan— ee ha aadin.”

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa dowlada Shiinuhu waxa ay soo saareysay digniino ay ugaga digeyso shacabkeeda u safrida dalka Maraykanka kadib markii uu heer xun gaaray khilaafka dhinaca ganacsiga ee u dhexeeya labada dal.

Maamulka Trump ayaa sare u qaaday canshuurta isagoo ka bilaabay boqolkiiba toban waxana haatan uu gaarsiiyay $200 billion, isagoo weliba ku sii hanjabay in uu mamnuuci doono shirkada isgaarsiinta ee Huawei.

Balse dowlada Shiinaha ayaa ka jawaabtay iyadoo canshuur gaareysa lixdan billyan oo Dollar ku soo rogtay badeecadaha Maraykanka ugaga imanaya.

Talaadadii aynu ka soo gudubnay ayaa wasaarada dhaqanka iyo dalxiiska Shiinaha waxa uga digtey dadka Shiineeska ah ee u safraya dalka Maraykanka iyadoo sheegtay in Maraykanka uu yahay dhul dhul la isku dilo,dhaca iyo tuuganimaduna ay ku badan yihiin.

Sidoo kale Wasaarada Arrimaha Dibbada Shiinaha ayaa sheegtay in ciidamada Maraykanka ay xadgudubyo kula kacaan shacabka ka soo jeeda dalka Shiinaha ee ku nool wadanka Maraykanka.

Dowlada Shiinaha ayaa waxa ay ardayda waxbarashada u doonata dalka Maraykanka ay uga digeen inay ka fiirsadaan wadanka Maraykanka oo ay waxbarasho dalal kale oo caalamka ka mid ah u raadsadaan.

Xiriirka ka dhexeeya labad dal ee Maraykanka iyo Shiinaha ayaa noqonaya mid diiradu ay saaran tahay hadba wixii ka soo cusboonaada.

COMMENTS
Latest News