Burconews.net
Ergeyga Midowga Afrika iyo wakiilka IGAD oo Dhuusamareeb gaaray Share Tweet
July 4, 2019 - Written by Admin
Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira iyo wakiilka urur-gobolleedka IGAD ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ayaa ku soo dhaweeyay wafdiga Midowga Afrika iyo IGAD magaalada Dhuusamareeb.

Xubnahan ayaa markiiba la kulmay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayr oo muddo ku dhow labo toddobaad ku sugan gobolka bartamaha ku yaalla ee Galgaduud.

Kullanka faahfaahin badan lagama bixin wali, balse waxaa la sheegay in arrimaha looga hadlay ay ugu horreeyaan xaaladda Galmudug iyo doorashada deegaannada la qorsheynayo inay ka dhacdo.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa dedaalo xal loogu raadinayo xaaladda Galmudug ka waday deegaannada dowlad-gobolleedka, waxaana ay hadda u muuqata dedaallada inay mira-dhal noqdeen oo dowlad-gobolleedka ay ka dhaceyso doorasho la wada ogolyahay.

thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail

COMMENTS
Latest News